Degmada Hara Sheekh Oo Laga Hirgeliyey Dhisme Cusub Oo Maxkamada Degmadu Yeelan Doonto.

Guddoomiyaha gobolka Daad-Madheedh ayaa maanta xadhiga ka jaray maxkamadda degmada Hara Sheekh ee gobolka Daad Madheedh.

Dhismaha Maxkamadda degmada Hara Sheekh oo ay dhismaheeda iska kaashadeen xukuumadda iyo dadweynaha deegaankaasi ayaa munaasibad balaadhan oo xadhiga lagaga jaraayey lagu qabtay degmada Hara Sheekh,waxaana xadhig ka jarkii dhismaha Maxkamadda degmada Harasheekh ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha degmada Harasheekh Maxamuud Dabaare Xayd ,Cuqaal,Salaadiin,Xildhibaano iyo wax garad kale oo munaasibada kasoo qayb galay, waxaanay soo dhoweeyey furitaanka dhismaha cusub ee maxkamadda degmada Hara-Sheekh,iyaga oo tilmaamay in degmadu ay baahi weyn u qabtay dhismaha maxkamadda iyo maxkamadda lafteedaba.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Garsooraha maxkamadda degmada Hara-Sheekh , Guddoomiyaha maxkamadda gobol/Degmo ee Daad Madheedh Cabdiraxmaan Xasan Cumar, Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Togdheer Muuse Maxamuud Dhoola-yare iyo ku simaha Guddoomiyaha racfaanka goboladda Togdheer iyo Daad Madheedh Cabdilaahi Axmed Ibraahim ,waxaanay tilmaameen in furitaanka maxkamaddani kamid tahay istiraatijiyadda guud ee Garsoorka Somaliland uu bulshada ku wada gaadhsiinaayo garsoorka,waxaanay kula dardaarmeen dadweynaha reer Hara Sheekh in ay garsoorka maxkamada degmada si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Ugu dambayna guddoomiyaha gobolka Daad Madheedh Maxamed Diiriye Xayd iyo taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Daad Madheedh oo halkaas ka hadlay ayaa balan qaaday in ay la shaqayn doonaan garsoorka ka hawlgeli doona maxkamadan laga furay degmada Hara Sheekh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker