Biden iyo xaaskiisa oo booqday dugsigii weerarku ka dhacay

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo xaaskiisa Jill ayaa Axadda maanta ah booqday magaalada Uvalde ee gobolka Texas si ay beer nugeyl ugu muujiyaan xigtadii iyo dadkii ka badbaaday toogasho-wadareedkii u dambeysay ee dalka Maraykanka ka dhacda. Dhacdadaas oo toddobaadkii hore dhacay ayaa waxa ku dhintay 19 caruur iskuuley ah iyo labo macallin.

Reer Biden ayaa socod ku ag maray ubaxyo lagu maamuusayey dhibanayaasha meel ka baxsan dugsiga hoose ee Robb, iyaga oo mar mar joogsanayey si ay u taabtaan sawirada 21kii dhibbane oo meesha ku dhaganaa, magacyadoodana akhrinayey.

Xilli ay reer Biden tacsidaas gudbinayeen ayaa Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku ay shaaca ka rogtay in, ka dib codsi uga yimid duqa magaalada Uvalde, Don McLaughlin, ay dib u eegis ku sameyn doonto sidii booliisku uu uga jawaabay dhacdadii Talaadadii iskuulka ka dhacday. Wasaaradda ayaa sheegtay in la “eegi doono darsiga laga bartay iyo sida ugu wanaagsan ee dadka gurmadka ah loogu diyaarin karo sidii ay uga jawaabi lahaayeen markii qof hub wataa uu weerar soo qaado.”

Weerarkii Texas, saraakiisha booliiska ayaa aad la isku weydiiyey waxa ku keenay in hal saac wax ka badan ay ku qaadato in ninkii hubeysnaa ay ka hortagaan.

Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa dhowr saacadood ku qaatay magaaladan yar ee dhinaca koonfurbari ku taalla, iyaga oo la hadlayey kuwa uu weerarku sida ugu daran u saameeyey, weerarkaas oo uu geystay wiil 18 jir ah.

Biden ayaa sidoo kale ka qeyb galay duco ka dhacday kaniisad mad-habta Katoliga ah, isaga oo sidoo kale la kulmay dadkii gurmadka ka qeyb qaatay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker