Gabadh Kenyaati Ah Oo Laba jeer ku guuleysatey Ciyaaraha fudud oo la helay Meydkeeda

Agnes Tirop, oo heysata rikoorka adduunka, taasoo u dhalatey Kenya, ayaa laga helay meydkeeda gurigeeda, kaasoo ku yaalla magaalo dhacda galbeedka Kenya, oo la yidhaahdo Iten, iyadoo booliiska ninkii ay u dhaxdey u yahay qofka koowaad ee loogga shakisan yahay dilkeeda.

Laba jeer oo ay ku guuleysatey biladda Naxaasta ee Ciyaaraha fudud ee dunida, iyadoo kaalinta afraad ka gashey ciyaarihii kama danbeysta ee Olympic-kada, oo la ordayey masaafo dhan 5,000m, kuwaasoo dhamaadey laba bilood kahor. Waxey dhawaan noqotey 25 sano jir.

Baadhitaan danbi ayaa haatan lagu bilaabey dhimashada gabadhan, iyadoo booliisku ay sheegeen in ninkeedii la waayey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker