Wararkii Ugu Danbeeyey Dhimanaya COVID-19 Oo Kusii Kordhaya Bulshada

Muddooyinkii u dambeeyey waxa dalka somaliland dib ugu soo laabtay nooc cusub oo covid19 ah kaas oo ka halis badan noocii hore ee sanadihi hore waxaana guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada Hargeysa laga dareemayaa dhimashada dadka oo soo badanaysa iyada oo ay maalin walba dad badani u soo dhacaan covid 19 hadaba wasaarada caafimaadka somaliland ayaa warbixinteedii u dambaysay ee ay soo saartya ku sheegtay in maanta oo arbaco ah laga baadhay covid 19 431 ruux iyada oo cudurka laga helay 65 ruux halka 4 ruux ay u geeriyoodeen taas oo tirade guud ee dhimashada ka dhigaysa 441 Qof, halkaasina waxa inooga muuqanaysa sida xawliga ah ee uu inoogu sii faafaayo corona xili ay yartahay wacyigalintii bulshadu oo ay dadku is dhex qaadayaan meel kasta iyada oo aan laga taxadirahayn halista masiibada Covid19 ee jirta.

Hadaba qormadeena Todobaadkan ee Arrimaha bulshada ee aynu kaga hadlayno covidka ayaa waxa ku martiya Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oon wax ka waydiinay doorka wasaaradda ee Cudurka Covid19 ayaa waxa uu yidhi “wasaaradda warfaafintu door muhiim ah ayay ka qaadataa wacyigalinta covid 19 iyo wax kasta oo bulshada dhibtaao ku ah, haddii aan si gaara u eego covid 19 dalka waxa u qaabilsan wasaarada Caafimaadka balse anagu doorkayaga oo wacyigalinta ah waanu wadnaa anaga oo adeegsanayna warbaahinta kala duwan ee dawlada,”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay jiraan qaybo ka mid ah bulshada reer somaliland oo aanay gaadhsiin Karin hawlaha wacyigalinta balse ay ku da,daalayaan inay gaadhsiiyaan maadaama oo aanay jirin oo aanay gaadhahayn idaacadii qaranku meelaha qaar.

Agaasime Maxamed Yuusuf oo aan waydiiyey su,aal la xidhiidhay inay ka gaabiyeen shaqadii ay qaranka u hayeen ee ka wacyi galinta halista covid 19 ayaa ku jawaabay “walaahi lama odhan karo doorkii ay wasaaradu lahayd way gabtay lamana odhan karo way wada qabatay oo kolay wax way naga dhinmi karaan balse waanu da,daalaynaa oo waxaanu ku soconayna hadba inta ay leegtahay fariinta iyo qaylo dhaanta nooga timaada wasaarada caafimaadka oo aanu u daba fadhiisanayno wixii la xidhiidha cudurkan “

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay inay u hogaansamaan fariimaha iyo digniinaha ka imanaya wasaarada caafimaadka iyo dhakhaatiirta dalka, isaga oo sidoo kale ugu baaqay guud ahaan warbaahinta somaliland tan dawliga ah iyo tan madaxa banaanba inay ka qayb qaataan hawlaha wacyigalinta ee cudurka Covid 19.

Sidoo kale qaybo ka mida shacabka Hargeysa oo aan la kulmay waxna ka waydiiyey covid19 ayaa waxa ay aad uga cabanayeen bulshada meel walba is dhex qaadaysa iyo wacyigalin la,aanta jirta si looga gaadhaanto halista cudurkan iyaga oo xukuumada u soo jeedinaayay inay fadhiga ka kacdo oo ay u dhaqaaqdo sidii looga gaashaaman lahaa halista ay waajahayaan bulshada reer somaliland maadama oo uu soo laabtay cudurkii dadkuna aanu ku baraarugsanayn oo aanay kaba war hayn dhibtiisa.

Geesta kale mid ka mida ilaalada xabaalaha Haleeya oo aan kula kulmay xabaalaha guud kooda ayaa ii sheegay in maalin walba xabaalahaa la keeno in ka badan toban ruux oo lagu aaso dadkaa ayuu ii sheegay inay ka mid yihiin kuwo u dhintay covid19 oo ay dawladu aasatay iyo kuwo u dhinta ila cudurka oo dadkoodii ay u aaseen sidii caadiga ahayd una soo maydheen taasi oo noqon karta masiibo kale oo sii kordhin karta fiditaanka cudurka, maadaama oo aanay dadku samaynahayn wax taxadir ah oo ay iskaga ilaalinayaan amaba kaga hor tagayaan xanuunka halsita ah ee dhimashada badan sababay.

Ugu dambayntii waxa aanu usoo jeedinaynaa dhamaan Bulshada reer somaliland inay is ilaaliyaan Alle ayaa wax ilaaliyee oo ay taxadir sameeyaan, sidoo kale Haddii aad yeelato xumad, qufac, iyo duuf wac dhaqtarkaaga xafiiskiisa weydiina inaad la hadasho kalkaaliyaha caafimaad oo kuu sheegi doona waxa aad sameyn laheyd. Haddii ay kuugu adag tahay nefsashada oo aad uur leedahay, aad ka weyn tahay 60 sano, ama aad leedahay cudurada kala duwan sida xanuunada wadnaha, sambabada, kilyaha ama shaqada beerka oo yar wac rugtaada caafimaad qorsheysana in lagu arki doono. Aad xarunta gurmadka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker