Nuxurka Qodobadii lagaga hadlay Shirkii Ee Maxamed Kaahin Iyo qaar ka mid ah Waxgaradka Beeshiisa ee Hargeysa ka qabsoomay

Waxa xalay  ku soo geba geboobay huteel Guuleed ee Magaalada Hargeysa, shir balaadhan oo muddo afar sacadood halkaas ka socday, kaas oo lagaga hadlayey arrimo ku saabsan Xisbiga Kulmiye iyo mustaqbalkiisa.
Shirkan, ayaa waxa ka qayb galay ergooyin ka badan 100 oo ka soo jeeda Deegaannada ay degaan Beesha Bariga Burco, iyada oo shirkana goob joog uu ka ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, ahna Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.
Xogaha uu Wargeyska Saxansaxo ka helay Shirkan ayaa tibaaxay in muddadii uu socday hadallo kala duwan laga jeediyey, iyada oo ay madashaasi hadallo ka jeediyeen dad lagu qiyaasay 16 qof, oo isugu jiray Siyaasiyiin, Xildhibaanno hore, Waxgarad, aqoonyahanno iyo Odayaal.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa halkaas ka jeediyey hadal dhinacyo badan taabanaya, waxaana oo Nuxurka hadalkiisu xambaarsanaa ka mid ahaa;
■ In Madaxweyne Muuse Biixi ahna Guddoomiyaha Kulmiye, inuu diyaar u yahay inuu Beesha Bariga Burco ku soo wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga
■ In uu Maxamed Kaahin ahaan, maadaama oo uu yahay Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga uu doonayo in lagu dhiso Guddoomiyenimada Kulmiye.
■ Inuu yahay ninka ugu mudan maanta in la dhiso, taasna uu ka filayo Waxgaradka deegaankiisa iyo Salaadiintaba in ay taageero siiyaan.
■ In uu yahay nin Waddanka u soo shaqeeyey, una soo halgamay, maanta aanay jirin cid ka mudan inuu noqdo Hoggaamiyaha Siyaasadda ee beeshiisa, Siillaanyo debbadii.
■ In lagu Ixtiraamo damaciisa, maadaama oo oo isaguba 30 sanno ee u dambeeyey iyo muddadii Halganka SNM Lagu jirayba, oo ixtiraamayey, una tanaasulayey, siyaasiyiintii ka waaweynaa ee Beeshiisa, isaga oo tusaale u soo qaaday inuu soo dhisay Siillaanyo iyo Saleebaan Maxamuud Aadan, labaduba uu sheegay in ay xataa SNM-ta ugu yimaadeen.
■ In sidii uu u soo dhisay Siillaanyo iyo Saleebaan isagana markiisa la dhiso, oo aan la barbar cararin.
■In uu maanta u baahan yahay garab istaag iyo in damaciisa Kulmiye lagu dhiso.
■In aanu doonayn inuu wax ku doono wax ka hooseeya magac guud ee deegaanada Beeshiisa.
■ In la adkeeyo isxulafaysigii siyaasaddeed ee jiray, boodhkana laga jaro, isaga oo hoosta la xariiqay in aanay cidna xuluf la’aan is bixinayn.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay waxgarad kale duwan, oo sheegay in ay diyaar u yihiin in haddii Xisbiga la soo wareejinayo in ay ku dhisayaan Wasiir Kaahin.
57
46 comments
19 shares
Like

Comment
Share

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker