Madaxweynaha Kenya oo gebi ahaanba diiday xukunkii Badda ee Maxkamadda ICJ

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si kulul u cambaareeyay go’aankii maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay ee Talaadadii ee ahaa in Soomaaliya lagu wareejiyo inta badan badweynta Hindiya, halkaas laga yaabo in saliid iyo gaas ay ka buuxaan, kadib khilaaf xooggan oo u dhexeeyay labada dal.

Kenyatta ayaa sheegay in dowladiisu “ay diideyso gebi ahaanba, aysanna aqoonsandoonin natiijada ka soo baxday go’aankan” oo ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo fadhigeedu yahay The Hague, taas oo Nairobi siisay qayb yar oo ka mid ah badda lagu muransan yahay ee xeebta Bariga Afrika.

Iyada oo Kenya ay diidan tahay inay aqoonsato awoodda maxkamadda oo ay ugu yeertay “eex”, ayaa la wada eegaya waxa ku xiga diidmada Nairobi.

Khudbad laga sii daayay telefishinka kadib xukunkii maxkamadda ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku boorriyay Nairobi inay “u aragto go’aanka maxkamadda fursad ay ku xoojin karo xiriirka labada dal”.

Laakiin Kenyatta ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xukunkaasi uu yahay “mid hal dhinac faa’iido u ah, kaas oo xumayn doona xiriirka labada dal”.

“Waxay sidoo kale beddeli doonta guulaha bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha; waxaana laga yaabaa inay uga sii darto xaaladda nabadda iyo amniga ee gobolka Geeska Afrika ee nugul,” ayuu raaciyay, isagoo ku celceliyey inay Nairobi taageereyso in wadahadal lagu dhammeeyo.

Soomaaliya ayaa dacwadda ku soo oogtay Kenya sannadkii 2014-tii, kadib markii ay fashilmeen dadaallo socday sanado badan, kuwaas oo lagu doonayay in lagu xalliyo muran ka dhashay dhul-badeed dhan 100,000-kiiloomitir oo laba jibaaran (38,000 square-mile).

Garsoorayaasha ayaa si wadajir ah u go’aamiyay in uusan jirin “xuduud badeed la isku raacsan yahay”, waxayna sameeyeen xuduud cusub oo u dhow tan ay sheegatay Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker