Madaxweynaha Burundi Oo Balanqaaday Inuu Xilka Ka Dagidoono

Madaxweynaha Wadanka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa sheegay inaanu xi korodhsi danbe sameyn doonin oo uu xilka ka degi doono marka wakhtigiisu dhamaado sanadka 2020.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa walaac laga qabay in Madaxweynaha oo xilka soo hayey tan iyo sanadkii 2005 uu markale isu soo sharaxo doorashada la qorsheeyey inay dalkaasi ka dhacdo sanadka 2020.

Dhawaan ayaa afti loo qaaday bedalaada Dastuurka oo sare loo qaaday wakhtiga uu xilka Madaxweynaha heyn karo oo horey u ahayd 5 sano oo laga dhigay 7 sano, aftidaasi oo ay taageereen 73% dadkii codkooda dhiibtay.

Balse Pierre Nkurunziza ayaa sheegay inuusan dib u habeynta lagu sameeyey dastuurka aysan la xariirin damac uga jira xilka, balse uu ka degi doono kursiga marka uu wakhtiga u dhamaado isagoo sheegay inuu taageeri doono xubinta xisbigiisa ay soo sharaxaan.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujineysay xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalka Burundi tan iyo sanadkii 2015 kadib markii wadankaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha, xiisadaasi oo keentay in dad badan ka qaxaan dalka.

Dalka Burundi ayaa kamid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya, ciidamadaasi oo Qeyb ka ah AMISOM ayuu horey Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku hanjabay inuu dib ulla soo noqon doono hadii aysan beesha caalamka bixin mushaharkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker