Taliyihii Ciidanka Booliiska Somaliland Ee Degmada Xuddun oo Hawlgal lagu dilay

Taliyihii ciidamadda booliska ee degmadda Xudun ee gobolka Sool ayaa ku geeriyooday iska hor imaad maanta dhex maray booliska iyo koox hubaysan.

Alle ha u naxariistee Cismaan Maxamed Saalax, ayaa la sheegay inuu u geeriyooday kadib markii ay ciidamadda booliska degmadda Xudun weerar ku soo qaadeen koox hubaysan oo ka ganacsatadda Khamriga.
Waxa kaloo ay wararku sheegayaan in iska hor imaadkaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mida askartii booliska.
Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ka ganacsadda maandooriyaha Khamriga.
Kuwaasoo baabuur ay Khamri fara badan ku sideen ay boolisku qabteen, isla markaana gaadhigii Khamrigu saarnaa iyo raggii watayba ay saldhiga booliska degmadda Xudun ku xidheen.

Hase yeeshee ragg kaloo hubaysan oo loo malaynayo in ay ganacsatadda Khamriga leh ahaayeen ayaa weerar ku soo qaaday saldhigii ay ku xidhnaayeen raggi Khamriga watay iyo baabuurkii Khamrigu saarnaa.
Waxaanay halkaasi is rasaasayni ku dhex martay ciidamadii booliska ee saldhiga joogay iyo raggii weerarka soo qaaday.
Iyadoo halkaasi uu ku geeriyooday taliyihii booliska ee degmadda Xudun, iyo askar kale, halka qaar kalena ay dhaawacyo soo gaadheen.

Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay u suurto gashay in ay la baxaan baabuurkii Khamrigu saarnaa iyo raggii ay saldhiga booliska ku xidhnaaba.
Sababta kooxda weerarka soo qaaday u suurto gelisay in ay taliyaha dilaan, isla markaana raggii ka xidhnaa iyo Khamrigiiba la baxaan ayaa la sheegay in ay tiro ahaan ka badnaayeen ciidamadda booliska ee xiligaa saldhiga ku sugnaa.
Geesta kale ma jiro wax war ah oo ay dhacdadaasi ka bixisay xukuumadda Somaliland iyo haayadaha amaanka toona.
Sidoo kale maamulka gobolka Sool ayaan ilaa hadda ka hadal falkaasi lagu filay taliyihii booliska ee degmadda Xudun.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker