Mid ka mid ah xaasaska ninkii 42-da sano ka dib u soo noqday qoyskiisa oo ka hadashay go’aankeeda.

Waxay ahayd 26 jir markii saygeeda, Peter Oyuka, uu kaga tagay mugdiga ama cidlada kaddibna uu iska ilaabay. Ninkan ayaa wuxuu ka tagay gurigiisa oo ku yaalla tuulada Makale ee Degmada Kakamega ee dalka Kenya sanadkii 1974 -tii, haddana wuu soo laabtay, iyadoo ay yar yihiin dadka deegaanka ee aqoonsan kara.

Hadda waxay jirtaa 73 sano, Oyukana wuxuu rabaa inuu u soo noqdo iyadana waxay diyaar u tahay inay seegeedii dib ugu laabato, balse waa si taxaddar leh uga fikirtay saameynta suurtagalka ah ee go’aankaas.

“In kasta oo uu iga tagay aniga iyo saddexdayada carruur ah, haddana wuxuu ahaa saygii aan waqtiga isla soo qaadanay xilligii dhallinyaranimadayda.

Wali dareen ayaan u hayaa, ”ayay Elmina Mutole u sheegtay The Standard iyadoo ku fadhida kursi hoos yaallay gurigeedii dhoobada ka sameysnaa ee Tuulada Naluchira, ee ismaamulka Kakamega ee dalka Kenya.

Sannadkii 2002, waxay ku laabatay gurigeedii ugu horreeyay ee lagu guursaday oo ku yaalla, Tuulada Makale oo ka tirsan Degmada Malava, si ay u soo booqato saddex carruur ah oo ay ka tagtay.

Seygeeda kowaad, Peter Oyuka, ayaa ka war helay xilligaas booqashadeeda, wuxuuna u safray Kakamega si uu ula kulmo.

“Wuxuu iga codsaday inaan dib ugu soo laabto, balse waan diiday. Waxaan u sheegay inaan helay lamaane cusub, oo aad ii jecel.

“Wuxuu ii ballanqaaday inuu i geyn doono Tansaaniya, halkaas oo uu xilligaas ka shaqeynayay. Waan istaagay, oo waxaan xusuusiyey inaan si farxad leh u guursaday, ”

Hadda waxay noqotay carmal, xanuun iyo waayeelnimo la soo daristay.

Mar la weydiiyey inay ka fikirayso inay dib ula midowdo Oyuka, Mutole waxay tidhi:

“Waxaan marka hore u sheegi lahaa inaan ka xumahay inuu ku soo laabto gurigiisa isagoo xanuunsan. Waxayna sheegtay inay dooneyso inay dib ula midowdo seeygeedii ugu horreeyay ee nolosha wanaagsan soo wada qaateen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker