Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Allah ha u naxariistee Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis), oo ahaa mid ka mid ah Majaajiliisteyaasha ugu caansan Soomaaliya, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida uu sheegay taleefishinka Universal oo uu ka tirsanaa.

Ajakis ayaa maalmihii tegay ku xanuunsanaa oo lagu daweynayey isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, kadib xanuun aan la faah-faahin oo la sheegay inuu kusoo booday isagoo ku sugan gurigiisa,

Ajakis ayaa horaantii sagaashamaadka kusoo caan baxay tarjumaadda aflaanta hindiga ee loo rogo Af-Soomaaliga, wuxuuna kadib sameyn jiray ruwaayadaha.

Geerida Ajakis ayaa waxaa ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri “Allaha u naxariisto jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, asxaabtiisii, bahda fanka iyo saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, qoraal kasoo baxay xafiiska Farmaajo ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Muqdisho. Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa. Aamiin.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker