Dagaallo Culus Oo Dhex Maray Ciidamada Itoobiya Iyo Kuwa Sudan

Militariga Sudan ayaa Shalay sheegay inay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal. Ciidamada Ethiopia waxaa lagu qasbay inay dib uga gurtaan aagga Umm Barakit, waxaa sidaas lagu yidhi wa-saxaafadeed militariga kasoo baxay, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxa militariga Sudan, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, ayaa weriyayaasha u sheegay in arrintan ay dhacday Sabtidii.

Waxa uu sheegay inay muujisay sida militariga ay u ilaalinayaan dalka, xilli uu isku day afgambi ka dhacay Khartoum, toddobaadkii tegay.

Afhayeenka militariga Ethiopia, Colonel Getnet Adane ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa inuu ka hadlo dhacdadan.

Xiisadda ka taagan xuduudda Sudan iyo Ethiopia ayaa xoogeysatay tan iyo markii uu sanadkii tegay uu dagaalka ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia, dagaalkaas oo sababay in kumanaan qof oo Ethiopian qaxooti ah ay galaan bariga Sudan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker