Dawladda Talibaan Oo Wiiwash Sudhay Maydad Dad Ay Laayeen

Dawladda Talibaan ee dalka Afghanistan ayaa barxad ku taal magaalada Herat ee waddanka Afghanistan ku soo bandhigay maydadka dad ay laayeen oo wiishash sudhan kadib markii dadkaas lagu eedeeyay af-duub.

Saraakiisha Talibaan ayaa markii hore afar mayd keenay barxadda magaalada galbeedka ah ee Herat, kadibna saddex ka mid ah meydadkaas u wareejiyay qeybaha kale ee magaalada si loogu soo bandhigo dadweynaha.

Saraakiisha Taalibaan ayaa ku dhawaaqay in afartan qof la qabtay iyagoo ka qeyb qaadanaya falal afduub ah horraantii Sabtida waxaana dilay booliska Taalibaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker