Ciidanka Israa’iil Oo Dad Rayid Ah Ku Dilay Daanta Galbeed Ee Falastiin

Ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah ayay ciidanka Israa’iil ay ku dileen aagga Jenin iyo Qudus ee Daanta Galbeed ee la haysto,ka dib markii ay halkasi ka fuliyeen weerarro milateri.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Falastiin Mohammad Hleil, ayaa u xaqiijiyay Al Jazeera dilka saddex qof oo Falastiiniyiin ah oo ka yimid tuulada Biddu oo dhacda waqooyi -galbeed ee Qudus, waxaana magacyadooda lagu sheegay Ahmad Zahran, Mahmoud Hmaidan iyo Zakariya Badwan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale dilay qof deggan tuulada Burqin oo dhacda koonfur-galbeed magaalada Jenin,kaas oo isna lagu magacaabi jiray Osama Soboh oo 22-jir ahaa.

Wakaaladda wararka Falastiin ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weerareen Burqin iyo Beit Anan,halkaas oo ay ku dileen laba qof

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker