Booliska Dalka britain ayaa gacanta ku dhigay 6 ruux oo horey u dilay wiil soomaali ah

Qof kale    ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo ku saabsan dilka wiil 18 jir ah la toorriyeeyay.

Cabdiraxiim Maxamed ayaa ku dhintay isbitaal ka dib markii laga helay dhaawacyo badan oo toorri ah. Wiilkan da’da yar ayaa laga soo qaaday waddada Melbourne, ee magaalada Leicester, 8-dii bishan September.

Zakir Brant, oo 25 jir ah, ayaa dacwad lagu soo oogay kaddib markii booliska ay xabsiga u taxabeen Jimcihii, iyagooo la xiriirinaya dilka Cabdiraxiim, wuxuuna ka soo muuqan doonaa maxkamadda Magaalada Leicester maalinta Isniinta ah.

Sidoo kale maalinkii Sabtida, booliska waxay soo qabteen nin lixaad oo isaguna looga shakisan yahay dilka.

Siddeed qof ayaa horay dacwad loogu soo oogay sababta la xiriirta geerida wiilkan kasoo jeeda Soomaaliya.

Dadka dacwadaha wajahaya ayaa kala ah:

– Mohammed Israfeel Gul, oo da’diisu tahay 27-sano jir, isla markaana ku nool New Way Road

– Daniel Pollard ooo isna da’diisu tahay, 29-sano jir, waxaa uuna kasoo jeeda xaafada Calder Road

– Mohammed Hansrod oo isna da’diisu lagu sheegay inay tahay, 29-sano jir, waxaa uuna deggan yahay Dulverton Road

– Abdul Hemid Suleman isna da’diisu tahay, 58-sano jir, waxaa uuna kasoo jeeda deegaanka Jupiter Close

– Bhavic Parmar oo da’diisu tahay 25-sano jir, waxaa uuna isna ku nool yahay xaafadda Bowling Green Street.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker