Xukkuumadda Somaliland oo Shacabka uga digtay Khatarta Cudurka Covid-19 oo mar kale soo laba-kacleeyey

Hargeysa (OWN)- Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa farriin adag iyo digniin ku saabsan xanuunka Covid-19 u diray shacabka Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Md Xasan Gaafaadhi oo guddoominayay shirka todobaadlaha ah ee lagaga arrinsado arrimaha deg deg ah ee wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland, ayaa bulshada uga digay khatarta xanuun dhaliyaha Coronavirus oo si ba’an oo lama filaan ah ugu faafaya bulshada, khatartiisuna ay ka balaadhan karto intii hore.

Wasiirku waxa uu shacabka somalialnd u sheegay in mar saddexaad uu soo noqday xanuunka Covid-19, aad iyo aadna uu u dheeraynayo waxyeelana uu gaadhsiin karo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana uu ugu baaqay dadweynaha inay ka taxaddaraan khatarta xanuunkaasi, isla markaana ay hirgeliyaan tallaabooyinkii ay soo saartay wasaaradda horumrinta caafimaadka somaliland, ee lagula dagaalamayay xanuunkaasi.

Geesta kale, wasiirku waxa uu ugu baaqay hay’adaha caafimaadka inay u diyaar garoobaan sidii loo yaran lahaa khatarta mawjadda saddexaad ee xanuunkaasi oo la filayo in dalka ay ku dhufato, waxaana uu ugu baaqay dadka aan qaadan tallaalka inay si deg deg ah ay u qaataan.

OWN News Desk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker