Madaxweynihii Hore Ee Dalka Algeria Cabdul-casiis Buutefliqa Oo Maanta Geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Aljeeriya Cabdul-casiis Buutefliqa ayaa geeriyooday kaddib muddo uu xanuunsanaa. Buutefliqa ayay da’diisu ahayd 84 jir.

Dalka ayuu ka cararay muddo haatan laga joogo ku dhawaad 20 sananood, waxaana lagu ammaanaa in uu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee dalkiisa ka dhacay iyo dib-u-heshiisiintii sanadkii 2005-tii.

Bouteflika ayaa marar dhif ah lagu arkayay goobaha ay dadka badan isku yimaan tan iyo markii uu jiraday 2013-kii, xanuunkaas oo saameeyay hadalkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa.

Siyaasadda ayaa wuxuu ku biiray kadib markii ay Algeria xornimada ka qaadatay Faransiiska 1962-kii, wuxuu noqday wasiirka arrimaha dibadda ee ugu da’da yaraa xilligaas rikoorkaas oo ah mid weli taagan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker