Madaxweyne Muuse Biixi oo Dhalinyarada Somaliland ugu baaqay inay Maskaxdooda iyo Maalmood ku difaacaan Qaranimada

Hargeysa (OWN)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhalinyarada waxbaratay ee dalka ugu baaqay inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee maalkooda iyo maskaxdooda ku difaaca Qaranimadooda maadama Somaliland cadow badan leedahay.

Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyey ay ku qalin-jabiyeen 1,157 arday oo dhammaystay Waxbarashada kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Hargeysa,  waxa uu qadaf iyo meel-ka-dhac aan la qaadan karin ku tilmaamay in magaalada Muqdisho laga abaabulo doorasho lagu sheegay inay Somaliland ka qayb ka tahay.

“Ragga jooga Xamar ee maalin walba yidhaahda Baarlamaankii Somaliland baa Xamar ku shiraya, waa nabar inagu yaalla, waa wax aan la qaadan Karin, waa meel ka dhac,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Waxa uu madaxweynuhu farriin u diray dhalinyarada Somaliland. “Waxaan idinka doonayaa dhalinyarada maanta qalin-jabisay iyo kuwii ka horeeyey iyo kuwa ka danbeeya in marka qarannimada cidi daarto inaad noqotaan ciidanka u horeeya ee maskax, maal iyo nafba u huraya sidaas uun bay Somaliland ku jiri kartaa, mar labaad baan u hambalyeynayaa dhalinyarada qalin-jabinaysa iyo waalidkaba mustaqbal wanaagsan iyo aakhiraba baan idiin rajaynayaa” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker