Jabhada ONLF oo iskaga baxday doorashada Itoobiya Iyo Sababta?

Cabdi Mahdi, oo ah madaxa ururka ONLF ayaa sheegay in xisbigu uu isaga baxayo wareegga labaad ee doorashooyinka soo socda ee dhici doona 30-ka bishan September.

Wuxuu sheegay in go’aankan la gaaray dhowr sababood dartood. Wuxuu yidhi, “Cabashadenna waxba lagama qaban, taageerayaasheenna looma diwaan gelin inay codeeyaan, inta badanna kaararka codbixinta waxaa lagu koobay xubnaha xisbiga talada haya,” isagoo raaciyay, “Wax micno ah ma sameyneyso cayrsashada doorasho mar hore la go’aamiyay.”

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in xisbiyada kale ee mucaaradka ee ku sugan Dowlad Deegaanka Soomaalida ay isaga baxeen doorashada, iyadoo ONLF ay ka cabaneyso guud ahaan hannaanka, sida ay ku shaacisay baraha bulshada.

Sidoo kale ururka ONLF ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku faahfaahinayaan sababaha ka dambeeya go’aankooda iyo qorshaha mustaqbalka ee xisbiga.

Warbixinta ayaa u qorneyd sidan, “Guddiga sare ee ONLF wuxuu kulankiisii caadiga ahaa ku yeeshay Jigjiga, Dowlad Deegaanka Soomaalida, intii u dhaxeysay September 7-10, iyo 16, 2021 wuxuuna aad uga fekeray xaaladda daran ee ka jirta Geeska Afrika, Itoobiya, iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

“Guddiga sare ayaa xoojiyay sida ay uga go’an tahay rabshad la’aanta iyo hiigsashada ujeeddooyinkiisa siyaasadeed ee loo marayo wada xaajood iyo hannaan nabadeed inkastoo ay jiraan caqabadaha badan iyo caddaalad darrada lagula dhaqmo ONLF tan iyo intii ay heshiiska nabadeed kala saxiixdeen ONLF iyo dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay ONLF.

Warsaxaafadeedka ONLF ayaa intaa ku daraya in guddiga uu qiimeeyay ka qeybgalka ONLF ee doorashada soo socota isla markaana uu kala tashaday xubnaha ururuka, sidaas darteedna lagu go’aansaday in ONLF ay isaga baxdo doorashada 2021.

Waxay ONLF ku eedeysay Xisbiga PP inuu ku guul darreystay inuu shuruud ka dhigo doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda gobolka Soomaalida.

Wuxuu ururka ONLF sheegay in go’aankan uusan ku imaan si fudud. Wuxuu sheegay in “muhiimadda ugu weyn ee ururku uu hubka u dhigay ay tahay in si nabad iyo dimuqraddiyad ay ku dheehan tahay uu ugu adeego xuquuqda dadka Soomaalida”.

Magaca ONLF (Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya)
ONLF waxaa la aasaasay 36 sano ka hor. Urukana weli wuxuu wataa magaci lagu aasaasay, haddaba BBC waxay Axmed Maxamed oo ah xubin ka tirsan guddiga f ulinta ururka ONLF waydiisay, mar haddii aad nabad qaadateen Itoobiyada cusubna aad la jaanqaaddeen, maxaa idinka hortaagan in aad baddashaan magaca ururka?

“Waa su’aal fiican. Magaca ururka kuma baddalmayo isbeddel yimid. Magaca ururka wuxuu ka yimid rabitaan shacab oo ma aha mid ay hoggaanka ururka ama shaqsiyaad ay go’aansanayaan.

“Itoobiya in aan ka sii mid ahaanno ama aan ka go’nana waxay ku xirnaan doontaa natiijada ka soo baxda aftida shacabka laga qaado. Madaxda Itoobiyana haddii ay shacabka kasbanin ama ay soo jiidanin mowqifkaas ma aha mid si fudud lagu baddalayo”, ayuu yidhi.

“Su’aasha inta badan suxufiyiinta ay na weydiiyaan aad baan ula yaabnaa, maxaa yeelay gooni isu taagga maxaa idin daba dhigay? Gooni isu taagga waxaa oggol dastuurka dalka Itoobiya uu ku dhaqmo, marka ha isku wareerinina.” Ayuu yidhi Axmed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker