Dawladda Shiinaha oo ka digay faragelin shisheeye

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka digay faragelinta ciidamada shisheeye ee gobolka, iyada oo Australia ay iska fogeysay cadhada sii kordheysa ee Beijing ,taas oo la xiriirta in dalkaasi uu doonayo in uu helo maraakiibta quuusta ee ku shaqeeya quwadda nukliyeerka ee Mareykanka.

Khudbad uu Madaxweynuhu ka hor jeediyay Ururka Iskaashiga Shanghai Jimcihii, wuxuu ku boorriyay madaxda dowladaha gobolka inay gabi ahaanba iska caabiyaan xoogagga dibedda oo uu ku tilmaamay in ay wadaan faragalin shisheeye.

Mr. Xi Jinping waxaa uu ballan qaaday in uu difaaci doono sarreynta sharciga hawada sare iyo biyaha badda,gaaar ahaan dhulalka Jasiiradaha ah ee la isku hayo.

Hadalladaan ayaa daba socda ku dhawaaqistii Mareykanka, Ingiriiska iyo Australia ee ah inay samaystanayaan ​​iskaashi xagga amniga iyo difaaca ah, iyo go’aanka Australia ee ah inay Maraykanka ka iibsanayso maraakiibta quusta ee ku shaqeeya quwadda nukliyeerka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker