Xisbiga ONLF oo Qaaddacay ka-qayb-galka Doorashada Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia

Jigjiga (OWN)- Xisbiga ONLF ayaa War saxaafadeed uu goordhawayd soo saaray ku sheegay inay qaadaceen ka qaybgalka Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.

ONLF ayaa arrintan sabab uga dhigay “maadaama aan la sixin khaladaadkii ay horey u tirsanayeen xisbiyada mucaaradku” oo uu ONLF ku jirto, iyagoo sheegay in Guddida Doorashadu uu ku guul daraystay inuu saxo khaladaadkii hore.

Go’aanka ay maanta qaateen ONLF ee ay ku sheegeen inay ka hadheen ka qaybgalka doorashada degaanka ka dhacaysa ayaa kusoo hagaagaysa xilli horey ay doorashada uga hadheen Xisbiga FEP, oo isna cadeeyay inuu ka hadhayo doorashada degaanka ka dhacaysa.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo hagaagaysa iyadoo maalmo kooban uun ka hadhey doorashadii Dowlad-degaanka ka dhici lahayd oo ololihii doorashaduna uu maalmahan ka socdo guud ahaan degaanka Soomaalida.

Degaanka ayaa waxaa horey uga tartamayay xisbiga talada haya ee PP iyo xisbiyada mucaaradka oo dhawr ah, iyadoo ay ugu waawaynaayeen ONLF iyo FEP, balse hadda ay labadoodiiba iskagahadheen doorashada, mana jirto hadda xisbi muuqda oo la tartamaya xisbiga talada haya ee PP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker