Dowladda Soomaaliya Oo Xaqiijisay in Fahad Yaasiin lagu xannibay Jabuuti

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Jabuuti ay xirtay taiyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay inuu noqdo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Af-hayeen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa arrintaas u tilmaamay mid aan sharci ahayn oo aan sii xoojinayn xiriirka labada dawladood. Waxa u sheegya in dawladda Soomaaliya ay ka xuntahay falka ku xadgudubka ah ee xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah, sida uu hadalka u dhigay.

War saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti.

Dhinaca kalena, Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jabuuti ayaa   sheegay in Fahad Yaasiin oo ay la socdaan ilaa 40 qof, diyaaradda Turkish Airlines, iyagoo ku sii jeeday Muqdishu, hase yeeshee ay diyaaraddu heshay amar ah inaysan rakaabkaasi iman karin Muqdishu.

Sarkaal ka tirsan Jabuuti oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in haddii Fahad iyo wafdiga la socda aysan u safri karin Muqdishu ay ku celin doonaa halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowdya oo ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker