Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wareejiyey Mas’uuliyada Doorashada iyo Amnigeeda Ra’iisul Wasaare Rooble

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo khudbad u jeediyay Aqalka Hoose ee Baarlamanka, ayaa si rasmiya u shaaciyay in uu mas’uuliyadda hirgelinta doorashada iyo Amnigeeda ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobel.

Madaxweyne Farmaajo, wuxu sheegay in uu Ra’iisul wasaaraha u xil-saaray qaban-qaabada iyo marti-qaadka saxiixayaashii Heshiiskii 17-kii September, si loo meel-mariyo heshiiskaas iyo talooyinkii farsamo ee ka soo baxay shirkiii Baydhaba 16 February 2021.

“Waxaan rabaa in aan cadeeyo In Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono Diyaarinta, Hirgalinta doorashada, & Amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon” ayuu yidhi Farmaajo

“Waxaan kale oo Ra’iisulwasaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmairyo heshiiskas iyo talooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021” ayuu sii raaciyay madaxweyne Farmaajo.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker