Khaladaadka ka muuqda Go’aanada Ha’yadda Caymiska Somaliland

Cayminta gaadiidku waa talaabo loo baahnaa in la qaado, balse in la fool eryaa waxa ay keeneysaa isku dhaca dawlada iyo dadweynaha. Iyadoo durba ay kasoo baxayaan cabashooyin badan qaladaadka goa’aanka haayda Caymiska Somaalilaan.
Waxa ii muuqda ilaa qalad oo Haayada Caymiska go’aanadeeda ku gadaaman, waxaan kusoo koobi lahaa 6 qodob ee hoos ku xusan:
1. Qaladka koowaad ee ii muuqda waa in uusan jirin xeerka caymiska ee qaranka Soomaalilaan, xeerkan jiritaan la’aantiisa ayaa ay ka dhalanayaan qaladaadkani, waayo xeerku waxa uu ka jawaaba dhamaan su’aalaha iman kara, isla markaana waxa uu hage u noqdaa haayada masuulka ka ah iyo muwaadiniinta lagu waajibanayo caymiskaba.
2. Sida ku cad wareegtada gudoomiyaha haayada Caymiska ee ah amarka uu ku bixinayo in gaadhi kasta oo dekeda ka soo degaya ama galaya ku khasbaya in la caymiyo, isla markaan shirkad gaara ugu xidhaya caymintooda ayaa leh qaladaad sharci iyo kuwo farsamo, sida ka muuqata qodobadan hoose.
3. Haayada Caymisku ma bixinayso lacagta caymiska gaadiidka, waxa ay qasab ku tahay mulkiilaha gaadhigu in uu isagu iska bixiyo, sidaa darted mulkiiluhu isagaa u xor ah shirkada uu rabo in uu ka caymisto gaadhiigiisa, isaga oo raaacaya ta u jaban ama u adeeg fiican iwm. Sidaa darteed waa in aanay haayadu Caymisku qasab kaga dhigin cidna in shirkad gaara ku qasbaan.
4. Qaladka kale ee halkaa ku jiraa waxa weeye, caymiska qasabka ah ee Haayda Caymisku sheegtay muxuu ka kooban yahay? Ma shilal fudud baa? ma ka dadku ku dhintaanbaa? nooca caymiskani ma waxa uu bixinayaa khasaaraha ka dhashay, haddii dad ku dhintaan labada gaadhi ee isku dhacay ma waxa uu bixinayaa gaadhiga laga khaldan yahay mise labada gaadhiba khasaaraha dadkii saarnaa?. Nooca caymiskani heerkiisu waa ilaa heer kee ah ayuu cayminayaa? Su’aalahan waxa ka jawaabi lahaa heshiiska u dhaxeeya shirkada iyo cida hadba la galaysa, qofka galayaana waxa uu ka fiirsan lahaa nooca uu rabo.
5. Qaladka kale ee aan isna jawaab loo hayni waxa weeye, haddii qofka gaadhiga la soo degey iibiyo gaadhigii, ma loo wareeginayaa caymiskii qofka cusub? Ama qofkii markii hore caymiskan galay ma ku badaln karaa gaadhi kale? Waa su’aalaha xeerku ka jawaabi lahaa, waana cabashada ka timi shirkadaha iyo shakhsiyaadka gaadiidka soo dejiya.
6. Xaga sharciga, dastuurkeenu waxa uu kasoo horjeeda waxa loo yaqaano kootada, wareegtada gudoomiyaha Haayada Caymisku waxay jabinaysaa qodobkaa dastuuriga ah iyo dhaqan galinta caymis aan lahayn xeer lagu maamulo. Sharciyan dhamaan takaaliifta la saaro muwaadiniinta waa in golaha Wakiilada.
Waxaan ku gabogabaynayaa in la caymiyo gaadiidka waa talaabo wanaagsan balse u baahan in nidaam wacan loo maro, wacyi galina fiicana la siiyo umadda, intaan loogu dhul jiifeyn dekeda.
Elias Al-Bukhari

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker