Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Maanta Ee Deegaanka Tuka-raq

Tukaraq(OWN)-Wararka aan saaka ka heleyno Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan labada Ciidan oo ah kuwo isku muuqda oo aan kala fogeyn.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay cabsi dareemayaan maadaama Ciidamadu ay ishor-fadhiyaan,isla markaana ay dhici karto in ay markale wada dagaalamaan labada Ciidan.

 

Wararka kale  ayaa waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay sidoo kale wadaan diyaar garoow iyo dhaq dhaqaaq Ciidan mana jirto cid weli kala dhexgashay Ciidamadaas kala taabacsan .

 

Xukuumadda Somaliland ayaa shalay soo bandhigtay Ciidamo gaadhaya 120 askari oo ka soo goostay maamul gobolleedka Puntland isku soo dhiibay Somaliland.

 

Dhan kale wasaaradda amiga Puntland ayaa sheegtay in qofkii ka tirsan Shaqaalaha dowladda amma ciidanka ee la ogaado inuu gudbinayo macluumaadka iyo sawiro ama Vedio ku saabsan ciidanka uu mutaysan karo Xabsi amma dil.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale diray baaq nabadeed, isaga oo jimcihii hadlayey ayaa yidhi “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”

 

Beesha caalamka iyo iyo hey’adaha baaqa diray waxaa ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States ayaa soo-jeediyay wadahadal in wax lagu dhammeeyo iyaga oo intaasi raaciyay in arrintan uga dari karto xaaladda banii’aadnimo ee duufaanta sagar oo goobtaan ka jirta.

 

Oodweynenews Newsroom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker