Madaxwaynihii hore ee Somalia Cabdiqaazim Salaad Xassan oo u Guntada Xalinta Khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Qaahira (OWN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka codsaday in laga gudbo khilaafka ka dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

“Madaxweynaha waan la hadlay oo teleefan baan kula hadlay, waxaanan ka codsaday in la joojiyo khilaafaadka. Khilaaf looma baahna hadda, sababtoo ah doorashaa la rabaa in la galo, iyadoon khilaaf jirin in la galana Waan rajeynayaa,” ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee dalka.

 

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo wareysi siiyay Warbaahin ayaa yidhi “Waxaan rajeynaynaa in khilaafku joogsado, dadkuna doorasho xalaal ah ay galaan oo xaq ah, ciddii dan u arkaana ay doortaan.”

Mar wax laga weydiiyay sida khilaafka taagan looga gudbi karo ayuu ku jawaabay “Waxaa looga gudbi karaa in khilaafaadka la’iska daayo, sida sharciga ama dastuurka uu qabana in doorasho la galo.”

 

Cabdiqaasim Salaad ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaanay la kala safan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, balse ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay uga qabsoomi laheyd doorasho daahfuran ahi.

 

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka inaanay cid la safaninee, laga codsado ciddii is haysataa, iyadoo heshiis la yahay oo Madaxda Qaranka iyo dadkuba ay heshiis yihiin in doorasho xalaal ah la galoa” ayuu yidhi Cabdiqaasim Salaad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker