Madxaweynaha dalka Turkiga Rajab Erdogan Oo Shaaciyay In Turkiga Aanu Damac Kaga Jirin Taako Ka Mid Ah Dhulka Suuriya

Madxaweynaha dalka Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa beeniyay in damac dhul uu ku hoos jiro howlagallada milatari ee ka socda Suuriya, isagoo eedeyntaasi ku tilmaamay inay “aflagaaddo” ku tahay isaga.

Isagoo maanta ka hadlayay shir, ayuu Erdogan ku eedeeyay xulafada Ankara inaysan ku taageerin waxa uu ugu yeeray dagaalka ka dhanka ah “argagixisada”.

“Turkiga isha kuma hayo dhulka dal kale … Waxaan eedeynta noocaas ah u aragnaa aflagaaddada ugu daran ee naloo geystay,” ayuu ka yiri Istanbul.

Ankara ayaa kooxda Kurdiyiinta ee YPG u aragta argagixiso taageerta Xisbiga Shaqaalaha Kurdiyiinta ee PKK ee dalkaasi laga mamnuucay, kuwaasoo kacdon ka waday gudaha Turkiga tan iyo sanadkii 1984.
Xukuumadda Ankara, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa xisbiga PKK ku daray liiska madow.

Howlgalka milatari ee Ankara ee ka dhanka ah xoogagga Kurdiyiinta oo door weyn ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Daacishta Ciraaq ayaa sababay cambaareyn ka timid caalamka iyo in qaar ka mid ah dalalka NATO ay joojiyaan iibka hubka.

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa walaac weyn ka muujiyay howlgalka milatari ee bilowday 9-kii bishan, kaasoo Kurdiyiinta Suuriya looga fogeynayo xadka Turkiga uu la wadaago Suuriya.
Madaxweyne Erdogan ayaa si caro leh uga jawaabay cambaareynta Reer-galbeedka ee ku aaddan howlgalka Turkiga ee waqooyi-bari Suuriya.

“Dhammaantood Ree-galbeedka, waxay la safteen argagixisada wayna na weerareen – waxaa ku jira NATO iyo dalalka Midowga Yurub,” ayuu yiri.

“Waxaan u maleynayay inaad ka soo horjeeddaan argagixisannimada iyo argagixisada. Maxaa dhacay? Goormaad bilowdeen inaad la safataan argagixisada?”

Kooxaha Kurdiyiinta Suuriya ayaa xulafo weyn la ahaa Mareykanka iyagoo kala qeyb qaatay dagaalka ka dhanka ah ISIL.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Turkiga ayaa ku dhawaaqay 120-saacadood oo uu joojinayo holwgalka kaddib heshiis uu la galay Madaxweyne Ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, heshiiskaasoo sidoo kale dagaalyahannada Kurdiyiinta loogu oggolaanayo inay dib u gurtaan si goob amaan ah looga sameeyo xadka Turkiga.

Erdogan ayaa lagu wadaa inuu berri kulan dhigiisa Dalka Ruushka Vladmir Puttin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker