Tuugo Ka Bilawday Dalka Hindiya Inay Timaha Dadka Jaraan

In ka badan 50 haween ah ayaa gobolada Haryana iyo Rajasthan ee woqooyiga dalka Hindiya waxa la sheegay in timmaha laga jaray iyaga oo miyir doorsan oo suuxsan. Booliiska ayaa la daalaa dhacaya in ay xalliyaan dhibaatadan aan la ogayn waxa ay tahay taasi oo haween badan ku beertay cabsi iyo walaac sida ay ku warantay wariyaha BBC Vikas Pandey. “Waxa indhaha hal mar iga maray iftiin hilaac ahaan ah ka dib waan miyir doorsoomay saacad ka dib ,waxa aan arkay timahaygii oo la jaray” waxaa sidaasi sheegtay Sunita Devi, oo ah haweenay 53 jir ah oo ku nool Bhimgarh Kheri ee degmada Gurgaon ee gobolka Haryana. Dhacdadani oo ku dhacday jimcihii ayaa waxa ay ku beertay cabsi badan. “Ma awoodo in aan seexdo amaba aan si toos ah howl u qabsado, waxa aan akhriyay in dhacdooyinkan oo kale ay ka dhacaan Rajasthan, balse marna kuma fikirin in ay aniga igu dhacayso,” ayay ku nuuxnuuxsatay.

 

Wararka sheegaya waxyaabahan aan la arkayn balse haweenka timaha ka jaraya ayaa markii ugu horaysay soo baxay bishii July degaanka Rajasthan, haseyeeshee dhacdooyin kale ayaa laga soo sheegay Haryana iyo xitaa caasimadda Delhi. Sunita Devi waxa ay ku dhex nooshahay bulsho ganacsato iyo beeralay ah. Dadka ku nool tuulada ay degan tahay ayaa imika isugu soo ururay gurigeeda si ay ugu wheel yeelaan inta ay ka soo kabanayso cabsidii ay ka qaaday weerarkii ay la kulantay. Waxa ay sheegtay in waxa weerarka ku soo qaaday uu ahaa nin da’a ah oo ku labisan dhar midibkiisu yahay caddaan indhuhu qabanayaan.

 

Dadkii guriga kula sugnaa oo ay ka mid ahayd gabadh uu dhaxday wiilkeeda Ayaan maqlin islamarkana aan arkin waxa ku dhacay Sunita Devi. Sunita ayaa sheegtay in markii ay dariskeeda waydiisay in ay arkayeen waxa weeraray ay sheegeen in aanay waxba arkin taasi oo walaaca sii badisay. Meel u jirta wax yar, Asha Devi ayaa iyaduna timaheeda ku wayday dhacdo tan la mid ah ka dib markii ay miyir beeshay  islmarkana laga jaray timaheeda.

 

Balse Asha Devi ayaa dhacdadeedu ka duwanayd Sunita, waxa ay aragtay oo timaha ka jaray na waxa ay ahayd haweenay. Waxa ay sheegtay in wax walba oo ku dhacay ay ahaayeen il bidhiqsiyo gudahood.

 

Reena Devi, oo 28 jir ah , kuna nool tuulada Jonawasa ayaa dhankeeda sheegtay in la weeraray Khamiistii balse waxa weeraray markan uu u muuqday Bisad. “Waxa aan waday howsha guriga markaan arkay wax madow oo wayn una eg Bisad waxa aan dareemay qof taabanaya garabhayga ,markaas ayaana miyir iigu danbaysay “ayay tidhi Reena. Afhayeenka booliiska gobolka Gurgaon Kumar ayaa sheegay in ay soo gaadheen cabashooyinkan oo badani ayna baadheen balse aanay wali cid u qaban.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker