Abiy Ahmed Oo Booqasho rasmi ah ku tagay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Arbacada maanta booqasho rasmi ah ku tagay dalka Turkiga.

Booqashada Abiy Ahmed ayaa ka dambeysay kadib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay shaacisay Agaasinka Isgaarsiinta Turkiga.

“Booqashadu waxay leedahay ahmiyad gaar ah maadaama ay dhici doonto sannad -guuradii 125 -aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal” ayaa lagu daray qoraalka.

Labada dhinac waxay dib u eegayaan xiriirkooda laba geesoodka waxayna ka wada hadli doonaan tallaabooyinka la qaadi karo si loo wanaajiyo iskaashiga dhexdooda ah.

Waxay sidoo kale isweydaarsan doonaan aragtiyo ku saabsan horumarka gobolka iyo kan caalamiga ah ee hadda jira, iyadoo booqashadan ay ku soo beegantay xili ay sii xoogeysanayaan dagaalada ka socda woqooyiga Itoobiya ee u dhexeeya ciidamada dowlada iyo Jabhada TPLF.

Erdoğan ayaa ku yaboohay inuu dhexdhexaadiyo DF Itoobiya iyo fallaagada Tigreega ee ku dagaallamaya woqooyiga dalkaasi gaar ahaan Gobolka Tigraay, isagoo ballan qaaday inuu ilaaliyo qiyamka dalkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker