Geeridii Aabbahay & Xasuusaha Ku Gadaaman!W/Q: Sayid Maxamed Cumar “Darwiishka”

Geeridii Aabbahay & Xasuusaha Ku Gadaaman! W/Q: Sayid Maxamed Cumar "Darwiishka"

Maxamed Cumar Awdaahir

 

 

Maanta oo kale  labo gu’ ka hor, oo tirsiga Milaadigu ahaa 18 August 2019, tirsiga Hijriguna ku beegnaa 17 Dulxiji 1440, subax sabti ah 5tii aroornimo oo daqiiqado dhiman ayaa waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Aabbahay Maxamed Cumar Awdaahir, Rabbi naxariis iyo janno ha waraabiyo e. Runtii waa maalin iiga duwan maalmaha kale ee tirsiga taariikhda. Waa maalin aanan ilaawi karin xanuunkeeda. Waa maalin aanan ilaawin karin xasuusteeda. Waa maalin guud ahaan ba saameyn ku yeelatay nafsaddeyda, niyaddeyda iyo hannaansocodka noloshayda. Waa maalin aan waayay ruux  qiimo badan oo Aabbe ii ahaa, marna walaal ii ahaa, marna  wehel ii ahaa, marna macallin ii ahaa, marna garab iyo gaashaanba ii ahaa. Waxa uu ka tagay dhankay isaga oo aan i sabootiyin, wuxuuna u tagay cid aniga iiga roon iigana rafiiq wacan. Wuxuu Aabbo  aaday oo uu marti u noqday cid la martiyo midkii u mudnaa, uguna maamuska wacnaa. 70 iyo dhawr sano ka dib, Aabbe waxa uu ka  guuray dunidii dhalanteedka ahayd, wuxuuna degay dunidii dhabta ahayd. Wuxuuna labo sannadood ba uu marti u ahaa Allihiisii jeclaa Kor ahaaye. Waxaanan Idamka Eebbe rajeynayaa in uu ka nastay kadeedkii, kulaylkii iyo kurbadii adduunka taallay.

Rabbi ha u naxariisto oo godka ha u nuuro oo denbigiisa ha dhaafo e,  waxa uu ahaa Aabbahay Aabbe carruurtiisa jecel mid ka ugu  jaceylka badan. Wuxuuu nooga fikiri jiray si aad u weyn. Wuuna daryeeli jiray oo wuuna na barbaarin jiray. Maadama waalidiinta Soomaalidu aanay badanaa ubadkooda dareenkooda u sheegin haddana Aabbahayo Jaceylka, naxariista, niyadsamida, iyo daneynta uu noo hayo ba indhiisa,  eegmadiisa, oogadiisa iyo aamusnaantiisa ayaannu ka akhrisan jirnay.

Aabbahay wuxuu daraadayo u maray raran iyo rafaad aanan ka warqabin inta uu leeg yahay. Wuxuu daraadayo u xamilay haraad, hammuun, hiirtaanyo, hagardaamo iyo holoc aad u daran. Daraadayo intuu habeen dumay  guday, dalluun dheer u ka sugtay, dugaagna uu la  darsay  tiradeeda Alle un baa og. Daraadayo waxa dhakada u ritay kurbo iyo kadeed aan la soo koobi karan.  Burbur dhacay, jabhado dhashay, faqash la hubeeyay,  qaraxyo dhacay, dagaalo sokeeyo, colaad dihin, qaxoonti batay, cuduro dilaacay, abaaro dhacay iyo masiibo wixii la soo maray guudka ayuu nagu siday oo galab qudhiya nama cidleen. Wuxuu nala soo kifaaxay xilli kakan oo aad u kulul. Wuxuu na saaray oogadiisa si aannu aadanaha u ga korreyno, wuxuu noogu tabcay sida aannu nolosha ugu tamashlayno, wuxuu u dhibtooday si aannu dheef u helno. Wuxuu daraadayo u sameeyay wax walba oo aannu samo iyo sareedo ab ku heli karno. Dhib walba oo uu daraadayo u maray wuxuu ku hilmaamay markuu arkay annagoo fayow misana faraxsan. Farxaddiisu waxa ay ku xidhnayd  farxaddayada oo keli ah.  Waxa uu fiirin, fulin, falkin, iyo ficil ba naga tusay sida uu noo jecel yahay. Weligii nama dilin, nama durin, nama dayrin, nama dayacin xitaa abidkii nama dagaalin. Jaceylka uu noo qabo iyo sida uu dareenkayaga u ilaalinayo darteed xitaa haddii uu xanuunsado nama dareensiin jirin jirraddiisa. Ubadkiisa wuxuu mar walba na siin jiray talo, toosin iyo dardaaran nafahooda ku saabsan.  Aabbo Eebbe raali ha ka noqdo e dhammaan ubadkiisa mid yar iyo mid weyn, mid reer leh iyo mid aan lahayn, mid shaqeeya iyo mid aan shaqeyn ba waxa uu ula xidhiidhi jiray si joogto ah, waana ka warhayn jiray war iyo wadeecada ba. Weligiina ubadkiisa oo ah dad waaweyn oo qaangaadh ah u badan, haddana cid kale kuma uu halleyn jiray ee si hoose ayuu ula socon jiray xaalkooda. Aaabbahay wuxuu na siin jiray jaceyl haddii lagu miisaamo buuraha ka miisan weyn, haddii badda lagu ridana aan ku qarsoomayn, haddii cirka iyo dhulka la dhex dhigana aan  buuxinayn. Dabcan wax waliba waxa ay leeyihiin halbeeg lagu cabbiro, tusaale ahaan, wakhtiga waxaa lagu cabbiraa halbeegga ah ilbidhiqsi, dhererkana waxaa lagu cabbiraa halbeegga ah mitir, cufkana waxaa lagu cabbiraa halbeegga ah  Kg, Heelkulkana waxaa lagu cabbiraa halbeegga ah Kelvin, halka qulqulka danabkana lagu cabbiro Ampere. Balse anigu wanaagga marka aan cabbirayo waxa  aan ku cabbiraa oo aan halbeeg u ga dhigaa aabbahay AHN.

Hooyadayo macaan Sahra Ibraahin Yuusuf Rabbi ha u naxariisto e,  oo ahayd  hooyo qofkii  iyada oo kale helaa uu yahay habeen dhalad, jeerkii ay geeriyooday dharaar haatan laga joogo 2 sanno iyo 6 bilood wuxuu Aabbahayo uu ku dadaalay in aanan kaalintii ay hooyo macaan ka baxday in aanan tebin, sidaa darteed, wuxuu u guntaday sidii uu isagu Aabbe iyo Hooyo ba noogu noqon lahaa. Dabcan 170 habeen oo isna hooyadayo ka danbeeyay wuxuu qalbigayaga ka sameystay boos aanan la hilmaami karin. Taas oo saameyn ku yeelatay xasuustayada.

Aabbahay Alle ha u naxariisto e, waxa uu ahaa tusaale aanan ilaawi karin. Ubadkiisa iyo ooridiisa wuu ilaalin jiray oo waa u adeegi jiray. Wuxuu ahaa ruux xidhiidhiya ehelkiisa, asxaabtiisa, xididkiisa iyo xigtadiisa ba. Wuxuu ahaa qof ilaaliya cid walba oo ay waalidkii abtirsiin ku kulmaan ama ay xasabo noqdaan haba kala fogaadaane. Wuxuu ahaa qof ahlu cibaado ah, ilaa maalintaan garaadsaday iyo ilaa maalintuu geeriyooday waxa aan ku arkayay isaga oo Alle SWT u cibaadeysanaya oo xidhigiisa haysta. Wuxuu ahaa mid xitaa  haddii uu xanuunsado aan ka tegin soonka. Waxa aan xasuustaa bishii ugu danbeysay noloshiisa  ee Ramadaan waxa uu soomay isaga oo aad u xanuunsan. Salaad ka tagta iyada hadalkeeda ba  daa. Sadaqada iyo sako ku waajibtay ma gudan waayin. Masaakiinta iyo danyarta waa u roonaa. Run ahaantii Aabbahay Maxamed Cumar waxaa ku kulmay tilmaamo ay dhif iyo naadir tahay in ay sabankan  haatan la joogo inay qof ku kulmaan. Waxaa ku kulmay ballan-oofinta, runsheegista, dayn-naceybka, xalaal miirashasho, jaar wanaajinta, deegaan dhawrista, daacadnimo, danyar caawinta, iyo ka runsheegidda waxa qalbigiisa ku jira ee uu aaminsan yahay, xitaa haddii ay umadda kale oo dhani  ay kaga duwan yihiin.

 Wuxuu aabbahay ahaa shaqsi hawlkar ah oo madaale ah. Wuxuu ahaa qof wax walba isku daya oo ka midha dhaliya. Wuxuu ahaa qof dadaal badan oo aan wakhtigiisa dayacin, weligay ma arag aabbahay oo cidla wakhtigiisa ku lumiya, marka aan arkaba waxa uu ahaa mid hawl  gacanta ku haya, xitaa marka aanay hawl u oolinna iska fadhigu dabeecad uma ay ahayn ee  isla markiiba hawl dhaxalgal ah ayuu abuuran jiray. Seexashada goor hore iyo kallahaadda aroor hore ayaa caado joogta ah u ahayd. Wuxuu ahaa qof go’aan adag oo mawqif leh. Wuxuu ahaa qof dulmiga neceb oo aan ka waaban inuu ka hadlo.  Sheekh iyo shariiftoona uma kala eegi jirin cidda qaldan ee qaldame agtiisa waxa uu ka ahaa qaldame sababta oo ah muu aqoon sida loo labalabeeyo loona munaafaqadeeyo.

Aabbahay waxa uu ahaa geeljire miyi ku soo barbaaray. Isaga oo kuray ah ayuu magaalooyinka soo galay, sababta uu geelii iyo reerihiiba uga yimid waxa ay ahayd si uu aqoon u barto una shaqeysto . Isaga ayaa wax isbaray oo Muqdisho, Hargeysa, ilaa Jabbuuti  u kala dabqaaday. Way yartahay shaqo aanu ka shaqeyn oo soomaalidu taqaanno, Askari ayuu soo maray meherado ganacsi ayuu furtay,  caafimaadka ayuu wax ka bartay oo koorasyo ka qaatay, wuxuuna afartankii sanno ee u danbeeyay uu  ka tirsanaa bahda caafimaadka isaga oo ilaa inta uu ka geeriyoonayay bahda caafimaadka ka tirsanaa. Sida oo kale Alle ha u naxariisto e waxa uu labaatankii sanno ee u danbeeyay ku dhex jiray arrimaha siyaasadda, isaga oo markii la aasaasay xisbiga Kulmiye ka mid noqday. Waxaana uu markiiba qabtay xilka xoghayaha ee Xisbiga Kulmiye ee Degmada Oodweyne. Kadib waxa uu ka mid noqday Golaha Dhexe ee Xisbiga, Sannadkii  2007 ayaa uu noqday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye  ee Gobolka Daadmadheedh, xilkaasna waxa uu hayay ilaa uu ka geeriyooday 2019. Muddadaas 13 sanno ah ee uu Xilka Xisbiga Gobolka hayay waxaa uu si hagar la’aan ah oo ay masuuliyad iyo amaano ku jirto uu  uga shaqeeyay hawlaha Xisbiga. Aabbahay ma ahayn dadka Xisbiyada lacagta iyo dhuuniga ku raaca balse waxa uu ahaa dadka mabda’a wax ku raaca. Dhawr jeer ayaa xisbigii Udub markii uu talada dalka hayay  uu dhaqaale u ballan qaaday si uu Xisbiga Kulmiye isaga casilo koodana uu ugu soo biiro, balse taas waa uu ku gacan saydhay isaga oo  sheegay in aanno hagihiisu ahayn maal balse uu yahay mabda’a. Sida oo kale xilkaas uu 13 sanno hayay wax dhaqaale ah oo Xisbiga ka soo galay ma jirin. Taasna waxa ka meel fagaare ah ka caddeeyay Madaxweynaha Hadda Xilka haya ee Muuse Biixi: Isaga oo yidhi: “Guddoomiyaasha Gobollada ee Xisbiga  Kulmiye waxa aan ugu jeclahay Maxamed Cumar, sababta oo ah waa ninka kaliya ee aan marnaba wax dhaqaale ah Aniga, Madaxda Xisbiga iyo iyo ta Dawladda ba aan waydiisan.” Rabbi ha u naxariisto e, waxyaalaha lagu xasuusto mudadii uu xilka hayay waxa ka mid ah Roggii cagaarnaa ee 2010 uu Siilaanyo Oodweyne u dhigay.

Dhaxalka ugu wacan ee uu waalidkay iiga tagay  ma aha guryaha iyo guunyada ay dadku aad ka u qiimeeyaan, balse aniga agtayda dhaxalka  ugu mudan uguna miiggan ee uu waalidkay iiga tagay waa dhaxalka sharafta, magaca, iyo wajiga wacan ee  ilaa maanta meesha aan maraba igu lammaan la iguna qaddariyo. Raxmaanku ha u naxariisto e waalidkay agtayda kama dhiman ee waa ka  dheelmadeen. Waxaanan aad iyo aad ugu faraxsanahay uguna faanayaa in aan noqdo Ina Maxamed Cumar iyo Ina Hooyo Sahra Ibraahin. Hooyo iyo Aabbe waan idin jeclahay waanan idinku faanayaa inta aan noolahay. Rabbi jannadiisa iyo hadhacyada firdowsa haynagu kulmiyo. Ka nasta nusqaanta adduun Alle idimkii.

 

Sayid Maxamed Cumar “Darwiishka” {Ina Hooyo Sahra}

Oodweyne, Somaliland, (18/8/2021)

Darwiishka007@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker