1983 maalmo kooban ka dib markii la jabsaday jeelka Mandheera

1983 maalmo kooban ka dib markii la jabsaday jeelka Mandheera, goor barqo ah anigoo haya dukaankii cajeladaha ee Cilmi Boodheri stereo ee uu lahaa mujaahid Cabdi X Maxamed (Cabdi Fingar AHUN) ayaa anigoo sidii caadiga ahayd u adeegaya macaamiishii waxaa albaabka dhinaca koonfureed ka soo galay nin go shaal ah hagoogan. Intuu igu soo dhawaaday oo igu soo fiiqay warqad duuban ayuu igu yidhi, adeer laba ama saddex photo copy iiga samee. Wuxuu ii raaciyey isku soo duuduub dhamaan waraaqaha markaad ii sawirtid (Waxaan fahmay in uu i leeyahay yaanay cid kale indhaha ku dhufanin ama arkin)
Markaan mishiinkii photo copy-ga warqadii saaraayey ee aan kala bixiyey ayaan isha qac ku siiyey magaca SNM, dabeetana hal copy oo siyaado ah ayaan si sir ah uuga sawirtay
Sidii baan yeelay oo ninkii waraaqihiisii oo isku duuban ayaan u keenay asna intuu lacagtii degdeg ii siiyey ayuu albaabkii uu ka soo galay mooyee ka kale ee galbeedka u jeeda ka baxay
Ninkaasi haba yaraatee qof kale oo meherada joogay lamuu hadal xagoodana toos uuma eegin
Halkaygii copy anigu jeebka ayaan ku haystay shaqadaydiina si caadi ah ayaan u watay. Duhurkii ayaan qol cidla ah keligay soo xidhay oo warqadii la soo kala baxay
Ciwaanka warqadu waa calaamadii (Logo) SNM oo ay qori AK47 ah iyo kelmeda الله اكبر oo carabi ahi si cad uuga muuqato
Warqadu waa map balaadhan iyo nashqadii jeelka Mandheera. Waxaa ku cad qaybaha dhismaha jeelka sida qolalka, albaabada, meelaha askarta gaadhka ahi fadhiistaan ama istaagaan, wadooyinka xabsiga soo gala iyo kuwa ka baxa iyo weliba macluumaad kale oo aad u faro badan
Hawlgalkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM) ku jebiyeen jeelka Madheera ee ay kaga sii daayeen maxaabiis taliska Siyaad Barre si dulmi ah ku xidhay
(Hadal nuxurkiisu inahaas ahaa ayaa warqada ku qoraa)
Markaas anigu nin yar baan ahaa oo dhawr iyo toban jir ah mujaahid Lixlena waan maqli jiray se muuqiisa maan aqoon. Hayeeshee markaan mujaahidka sawirkiisa arkay macluumaad kalena beri danbe helay waxaan ogaaday in ninkii aan warqada u sawiray ee hadhka galay hargeysa dhex mushaaxayey ahaa ninkii sida uugu weyn dalkoo dhan looga raadinaayey ee fuliyey hawlgalki lagu jabsaday jeelkii Madheera bilowgii 1983 mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye oo ku magac dheeraa Lixle
Ragu magaca guudiyo magta wuu ka simanyee
Malkada u horaysiiyo waxaad tahay ma dhaafaan
Manaayaha colaadeed maalintuu rag kala baxo
Miidaamka geesiga waxaad tahay mucda u gala (Midhihii abwaan Xasan Ganey)
ILaahay (SWT) ha u naxariisto mujaahid Lixle denbigiisana ha dhaafo, qabrigiisana ha uuga yeelo beer beeraha janada ka mid ah. Aamiin .
Waxaa Qoray Muj Bashe Abdillahi Qulumbe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker