Madaxweyne Muuse Biixi Oo Billad guddoonsiiyey Sameeyey Boqolaal Qalniin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa billad guddoonsiiyey Dr. Richard S. Brandsford oo tobankii sanno ee u dambeeyay si xidhiidha qalniin uga sameeyey Magaalada Hargeysa,

Dr Richard waxa uu si xidhiidh ah u imanayay Cusbitaalka Edna Adan. Waxa uu fuliyay boqolaal qaliin oo ay yar tahay meelaha Afrika lagu sameeyaa. Waxanu u adeegayay shacab Soomaali ah oo ka kala yimaadda guud ahaan dhulka ay Soomaalidu ka degto Geeska Afrika.

Dr. Richard S. Brandsford ayaa cilmigiisa baray oo gacanta u sii daayay laba hablood oo da’ yar oo shaqadiisii sii wadi kara tobbanaan sanno oo kale.

Madaxwayne Biixi ayaa uga mahadnaqay doorkii uu diktoorku ka qaatay caafimaadka iyo bedqabka shacabka reer Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker