Xisbiga Kulmiye Oo Ka Shakisan Xildhibaan Dalka Dibadda Uga Dhoofay Wakhtigan Adag

Xisbiga Kulmiye Oo Ka Shakisan Xildhibaan Gobolka Togdheer Uga Soo Baxay Oo Dibadda Uga Dhoofay Wakhtigan Adag

Xildhibaan Cabdikariin Aadan Dheeg oo ka mid ahaa mudanayaashii Xisbiga Kulmiye uga soo baxay Gobolka Togdheer, islamarkaana ahaa Xildhibaankii ugu codadka badnaa Gobolkaasi ayaa inyar kadib natiijadii doorashada waxa uu u dhoofay Dalka dibadiisa, taasi oo aanu illaa hadda kasoo laaban.

 

Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda ayaa ka walaacsan maqnaanshiyaha Xildhibaan Cabdikariin Dheeg oo ku soo beegmay wakhtigan adag ee lagu jiro madax tirsiga islamarkaana aan laga maarmi karin codkiisa, waxaana la sheegay in telefano badan oo ay kadaba direen inaanay illaa hadda u suurtagalin inay ka helaan jawaab ay ku seexdaan ama ay ku naaloodaan codkiisa inuu soo laabto ama uu kusoo gaadho fadhiga ugu horeeya ee Golaha wakiilada kaasi oo lagu dooranayo Shirgudoonka cusub ee Golahani yeelanayo.

 

Xildhibaan Cabdikariin Aadan Dheeg ayaa la sheegay inuu inyar kadib markii lagu dhawaaqay Natiijadii doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada uu u dhoofay dalka ingiriiska gaar ahaan Caasimadda London, halkaasi oo uu markii hore deganaa, muddo dheerna uu ka shaqaynayay. Wararka safarkiisa ku saabsan oo Wargeyska Foore isku dayay inuu wax ka ogaado ayaa waxaa la noo sheegay inuu safarkiisu la xidhiidho sidii uu fasax ama shaqo ka tegis u soo qaadan lahaa Bankgi dalkaasi ku yaala oo uu muddo labaatan sanno ku dhaw uu ka shaqaynayay.

 

Warar kale ayaa sheegaya inuu markii hore doonayay inuu muddo gaaban kaga soo laabto safarkan balse Xildhibaanka ay ku timid isbadel siyaasadeed oo la xidhiidha loolanka ka dhex aloosan Isbahaysiga Mucaaridka iyo Xisbiga Kulmiye ee la xidhiidha tartanka loogu jiro Shirgudoonka Golaha Wakiilada Cusub islamarkaana uu daahista badan ee uu u qaadan laayahay Kulmiye ay tahay mid siyaasadaysan oo aan cudur daar kale lahayn. Warar kale oo aanu ka helnay saraakiil Kulmiye ka tirsana ayaa noo sheegay in Xildhibaan Cabdikariin safar ugu soo jeedo dhinacan Hargeysa islamarkaana la sugayo oo uu kasoo gaadhayo Kal-fadhiga ugu horeeyo ee Golihiisu yeelanayo.

 

Majiro war rasmi ah oo aanu ka helnay dhinaca Xildhibaan Cabdikariin  oo ku saabsan arinta safarkiisa dibada iyo ujeedada rasmiga ama cudur daarka uu qabo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker