Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo London Kulan La Yeeshay Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan yeeshay  Magaalada London  yeeshay  Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.

“Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada. Waxaan ka wada hadalnay  xoojinta xidhiidhka labadeenna waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta Waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka” ayuu yidhi Rooble oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul Wasaare Rooble ku weheliyay Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Waxbarashada kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Shirka Caalamiga Waxbarshada ee London.

“Britain waxay ku jirtaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xidhiidh soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna” ayuu intaas ku daray Rooble.

home
Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker