Rag Ceel Qodayay Oo Si Lama Filaan Ah U Helay Dhagax Jooga 100 milyan oo dollar.

Masuuliyiinta dalka Sri Lanka ayaa sheegay in dalkooda laga helay dhagax qiimo ahaan jooga 100 milyan oo dollar.

Dhagaxa ayaa la sheegay in ay heleen shaqaale qodayey ceel ku yaal meel aan ka fogayn gurigooda oo ka tirsan deegaanka Ratnapura.

Khuburada ayaa sheegaya in dhagax oo midabkiisu uu yahay buluug lagu qiyaasay in qiimo ahaan uu caalamka ka joogo 100 milyan oo dollar.

Dhagaxan oo culayskiisu uu yahay 510 kilogram ayaa lagu magacaabaa “Serendipity Sapphire”.

“Ninkii qodayey ceelka ayaa nagu war geliyey dhagaxan ka duwan dhagaxaanta kale. Markii dambe ayaan ogaannay in uu yahay dhagax qaali ah,” ayuu BBC-da u sheegay Gamage, oo ah mulkiilaha dhagaxa.

Ninkan ayaa ka gaabsaday inuu sheego magaciisa oo dhammaystiran ama goobta uu ku sugan yahay sababo dhanka ammaanka ah awgood.

Gamage, oo ah dadka macdanta qoda, ayaa masuuliyiinta ku war geliyey dhagaxa uu helay, balse muddo sannad ka badan ayay qaadatay in dhagaxa laga nadiifiyo dhoobadii iyo carradii dul saarnayd si loo baaro oo loo xaqiijiyo.

Intii uu socday hannaanka nadiifinta, ayaa Gamage waxa uu sheegay in qaar dhagxaanta ka mid ah ay noqdeen nooca qaaliga ah ee sapphire-ka loo yaqaan.

Ratnapura, oo macnaheedu yahay magaalada dahabka ah ee luuqada Sinhalese, waxaa loo yaqaan caasimadda macdanta ee dalkaas ku yaal Koonfur-bari Aasiya. Dhagaxyo kale oo qaali ah ayaana horay loo helay.

 

Macdanta Sri Lanka

Sri Lanka ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya dhagxaanta kala duwan ee qaaliga ah.

Sannadkii hore, wuxuu dalkaasi nus bilyan dollar ka helay iibinta dhagxaanta qaaliga ah iyo dheemanka.

“Waligay ma arag dhagax sidaas u weyn hadda ka hor. Waxaa dhagaxaan uu samaysmay qiyaastii 400 oo milyan oo sano ka hor,” ayuu yidhi Dr Gamini Zoysa, oo cilmiga jiyoolajiga ku takhasusay.

Baadhitaanka ayaa imaanaya iyadoo waaxda macdan qodista ee Sri Lanka uu soo food saaray khasaaro ba’an oo ka dhashay dhibtaada cudurka safmarka ah ee Covid-19.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker