Kismaayo: Ciyaaryahano U Geeriyooday Qarax Miino Oo Lala Beegsaday Bas Ay Saarnaayeen

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii gaadhi noociisu ahaa  bas   oo ay la socdeen koox ciyaartoy ah uu qarax ku haleelay magaalada Kismaayo.

Ciyaartooyda ayaa la sheegay inay ku sii socdeen garoonka kubada cagta ee Stadium Waamo ee magaalada Kismaayo, xilligii uu qaraxu haleelay.

Cayaartoydan ayaa garoonkaas kaga qeebgali lahaa ciyaarta kooxaha Heerka Koowaad oo maanta uu doonayey inuu daahfuro madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Afar ka tiranaa ciyaartooyda ayaa la xaqiiniyay in ay qaraxa ku dhinteen iyadoo uu dhaawac soo soo gaadhay, kuwii kale, kuwaas oo hada lagu dabiibayo cisbitaalka Kismaayo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker