Sidee Ayay Suurtogal U Tahay In Telefoon Lagu Waraysto Nin dhagoole ah?

Waxa uu ka mid yahay saxafiyiinta rug caddaaga ah ee ka hawlgala BBC-da, wuxuuna warbaahinta kusoo jiray tan iyo sannadkii 1979-kii.

Bashka Jug Soo Dhacay ama Baashoow Kaahiye Samaan muddadii 40-ka sanno ahayd ee uu hawlgalayay waxa uu heley xirfad aad saraysa oo saxafinimo, wuxuuna sheekooyin badan ka sameeyay bulshada qeybaheeda kala duwan.

Mid ka mid ah sheekooyinka soo jiitay dareenka dhagaystayaasha iyo xitaa tifaftirayaasha BBC-da waxaa ka mid ah sheeko maanta ku baxday idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga oo ku saabsan nin dhagool ah oo 62 jir ah, kaas oo u fariistay imtixaamka dugsiga hoose dhexe ee xerooyinka qaxootigaee Dhadhaab, dalka Kenya.

Bashka oo aan wax ka weeydiinay qaabka uu sheekada u sameeyay ayaa yiri “Waxaan raadinayay sheeko gaar ah, muhiim ah oo ku saabsan imtixaanaadkii sannad dugsiyeedka, kadibna waxaan wacay wariye ku sugan xerooyinka, kaas oo igu xiray iskuul ay wax ku dhigtaan dadka dhegaha naafada ka ah, sidaas ayay iigu dhalatay fikradda”.

Ninka uu waraystay waxaa lagu magacaabaa Maxamed Salaan Cumar , waxaana u turjumayay macalinkiisa iskuulka Cabdullaahi Axmed Xuseen , wuxuuna Maxamed su’aashii koowaad uga jawaabay “waxbarashada waa arrin muhiim ah oo lagama maarmaan ah”.

Bashka Jug Soo Dhacay ayaa u sheegay bogga BBC Somali in ay muhiim in bulshada qeybaheeda nugul ee qaba baahiyaha gaarka ah laga warhayo, sheekooyinkooda la tabiyo si ay u dareemaan in ay bulshada qeyb ka yihiin, muhiimna yihiin.

Maxamed oo meedaartiisa uu turjumayay macalinkiisa Cabdullaahi ayaa sheegay in uu doonayay in uu waxbarashada ka gaaro heer aad u sareeya, illaa dugsi sare. Hase yeeshee buundada uu imtixaamka ka heley oo hooseysa awgeed, waxa ay u egtahay in uusan dugsi sare tagi doonin.

Wariye Bashka ma ahan markii koowaad oo uu waraysto dad maqalka naafo ka ah, 15 kii bishii Maajo, 2018-ka, wariyaha waxa tabiyay sheeko ku saabsan lammaane dhagoole ah oo aqalgalkooda uu ka dhacay magaalada Gaarisa, sheekadaas oo noqotay tii loogu akhriska badnaa maalmahaas, aadna u faaftay.

Balse sheekada ninka odayga ah ee imtixaamka galay ayaa waxa ay kaga duwanayd tii arooska in lagu duubay taleefoonka, dhagaystayaashana ay maqlayeen codka ninka dhagoolka ah, taas oo micno weyn ku dartay warbixinta Bashkas.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in dadka dhagoolayaasha ah ee Soomaalida ay fahamsanyihiin in dadku dhagaystaan idaacadda BBC-da, inkasta oo aysan iyagu maqlin raadiyaha wararka iyo barnaamijyada ka baxaya.

“Laakiin lammaanihii aan Gaarisa ku waraystay waxa ay warkooda kala socdeen internetka iyada oo qoraal iyo sawirro ah, maadaamaa ay wax barteene waa ay garanayaan sida wax loo akhriyo, loona qoro ” ayuu yiri Bashkas.

Taariikha Bashkas Jug Soo Dhacay

Waxa uu xirfadda saxaafadda ku biiray sannadkii 1979-kii , wuxuuna markaas ka shaqo bilaabay wakaaladda wararka Kenya (Kenya News Agency), wuxuuna ka shaqaynayay illaa laga soo gaaro 1994-tii.

1996-dii waxa uu ku biiray warbaahinta Nation oo ka kooban wargeys iyo TV

Balse markii lasoo gaaray 1999-kii ayuu Baashoow si rasmi ah ugu soo biiray idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga.

Waxa uu si isku mid ah wax ugu tabiyaa afafka Sawaaxiliga, Soomaaliga iyo Ingiriiska.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker