Jabuuti:-Tirada Kiisaska Cusub Ee Caabuqa Covid 19 Oo Hoos U Dhac ku yimid.

Dawlada Jabuuti ayaa xaqiijisay in caabuqa Covid 19 laga helay 12 qof,kadib markii maanta xanuunka laga baaray 347 qof, kuwaasoo dhamaantood looga shakisanaa xanuunka halista ah ee Coronavirus, taasoo wadarta guud ee dadka uu haleelay caabuqan ee ku nool Jabuuti ka dhigaysa 986 qof .

 

 

Wasaarada caafimaadka Jabuuti ayaa Warsaxafadeed ay soo saaratay ku sheegtay in tirada guud ee dadka baaritaan caafimaad ee dhinaca Coronavirus loo sameeyay ay tahay 10619 tan iyo waqtigii dalkaasi laga arkay xanuunka Covid 19, waxaana caabuqan laga helay 986 qof, iyadoo ay ka bogsadeen 252 qof, halka ay u dhinteen laba qof.

 

 

Sidoo kale waxaa muuqata in hoos u dhac ku yimid shalay iyo maanta dadka laga helay caabuqa Covid 19, taasoo keentay dadaal ay xukuumada Jabuuti samaysay ayaa lagu yiri warsaxaaafadeedka, waxaana sidoo kale lagu xusay in dadka laga helay Corona-virus ee ay xaaladoodu halista tahay la dhigay Isbitaal ku yaala Carta, halka inta kalena lagu hayo xarun lagula socdo xaaladooda caafimaad.
Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo ku qoran luqada Faransiiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker