Nin Somali ah oo Dad ku Laayay Wadanka Norway

Oslo (OWN) – Nin Soomaali ah oo ku sugan magaalo 90 km u jirta Magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa middi ku Weeraray 3 dumar ah oo labo ka mid ah ay Soomaali yihiin, halka midda saddexaadna ay caddaan ahayd.

Warbixin booliisku soo saareen hal saac kadib Weerarka ayaa lagu sheegay in haweenaydii caddaanka ahayd ay dhaawicii gaadhay ay u dhimatay, halka labadii Soomaalida ahaana ay midkood xaaladeedu liidato.

Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay la xidhay. Weli ma cadda sababta weerarka Sababtay , hase yeeshee qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay uu  maskaxda ka xanuunsanaa.

Wargeyska maxaliga ah ee Sarpsborg Arbeiderblad ayaa wareystay seyga mid ka mid ah haweenka dhibta loo geystay wuxuuna sheegay in qofka dhibka geystay uu gurigooda ugu yimid.

“Inagoo daawaneysa TV, ayuu qof albaabka soo garaacay, markaan ka furay wuxuu damcay inuu i tooreeyo, balse waan ka cararay,” ayuu u sheegay wargeyska.
Sida warbixinta lagu sheegay haweeneyda oo gudaha guriga ku jirta ayuu dhibaato weyn ka gaadhsiiyay gacanta sida la sheegay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker