Siddani Xukumada Muuse waxa ku wada iyo Wadada ay haysa ba waxa la yidhaahda , (Waa Kudkii Oo Kabbo Loo Tollay )!?

“Inta uu Xildhibaan Dhakool yidhi waxa ka Xuma inta Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Ciiro  ay Ummada la hor-yimaadeem”

.

Hasa yeeshe  Hadalka Xildhibaan Dhakool  waxa  uu  meel u xoqay oo xin-jirro uga keenay waxanu aheyn Nin ka soo jeeda Beesha Dhexe Reer Isaaq !   Taas ayaa sabab u ah in Xildhibaan Dhakool isaggoo  Xasanad leh la Xidho oo Xabsiga loo takhan-tukhiyo.   Waxay ka mid noqnaysa  fool-xumooyink Xukumada Muuse Bixii Cabdi Gadh-wadeenka yahay u horseedayso  Jamhuuriyada Somaliland Tallabadan aan Dastuurka waafaqsaneyn ee laggu xidhay Xildhibaan Xasannad leh oo Golaha Wakiilada iyo kuwa kale la mid ka  ah ee aan xikmad iyo   aragti caqli gal ah ku fadhiyin . Waa mid isagga iyo Hogaannimadiusa laggu Xasuusan doono taariikhda ka hadhi doonta  wakhti dhow iyo ta iminka iyadu  is-qoreysaba.

.

Dadka qaar ayaa leh waxay la xidhiidha (18 May )iyo Munaasibadeed  hasa yeeshe ta aan u nisbeyn karra waxa weeye  Ereyga aha ” Siyaasada iyo Garashadda , Aqoonta iyo Waayo-aragnimada Muuse iyo Siilaanyo waxa uu budhigeedu  yahay  Arimhi   ,Qaaxo iyo waxii ay kala yimaadeen oo uu u dhigna hadalka Xildhibaan Dhakool yidhi ee Warbaahinta la wadaagay .

.

Arinkaa iyo waxa lagga yeelaayo waxa laggu gor-feeyey Shirka Golaha Wasiirada ee Maanta. waanna ta keentay inay ka  hadlaan amma Araahdooda ka ,Aragtidooda  ka dhiibtaan shiikhsiyaad isku deegaan ka yihiin Xildhibaan ka Xabsiga loo taxaabey Caawa -fiidkii.

Haddii Cid laggu xidhaayo  Aflagaado waa in iyagga la  xidhaa Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Ciiro . Faysal waxa  uu xadhig ku mutaysanaya inuu Ummada la hor-yimaado hadalka ah waxa aan ku idhi Ciirro  ” Hadii Muuse ina diido waxaynu tageyna Nairobi Kenya oo Haya,daha  Qaramida-midoobay ayaan weydiisaneyna inay keenaan Jamhuuriyada Somaliland Ciidamo  Amisom ah ”

.

Halka Cabdiraxmaan Ciiro uu la hor-yimi Ummadda Hadalka odhanaya  Madaxweyne ” Hadii aad door biday inaad qayb ummada ka mid ah Madaxweyne u noqoto  inta kale ,  ma Madaxweyne la,aaneyso.

.

Kuwa aamisan ayaan ahay inaan 18 May,   aaney aheyn  Maalinta Xornimada Jamhuuriyada Somaliland ,siddo kale waxa aan aaminsan ahay inaaney mudneyn  sidda loo Maamuli ee  jirta balse waa Maalin ka mid ah Maal-maha Qaranku leeyahay.

Hasa ahaate  Maalinta meesheedii lagu bedelay ay tahay (26 juun )oo ah Maalin Xoriyada Jamhuuriyada Somaliland waana mudan tahay in la siiyo haykalkeeda iyo maamuuskeeda  ,cid muran ka keeni kartaan ma jirto  ku dhamaan Ummada  Jamahuuriyada somaliland mid bari joog iyo mid  galbeed ku sugan ba .  waxaynu ogsoonahay in caalamku inoo aqoonsan-yahay Qadiyadeena inay budhigeed u yahay Gooni-ugoosada( Secessionist)  balse aanay jirin tixraac dhab ah iyo qadiyad ku qoton-ta taarikh dhab a oo soo jireena ah .

Marka  kale 26 juun waa ta cadeyn iyo markhaati ka dhigaysa qadiyadeen si buuxda oo dhameystiran  si wanaagsan oo waafi ahna inoo kala saareysa Ummada Somalida Soomaliya ee Aduunku inagu faruur-xidhaayo innagun aynaan hayn wadad iyo taarikhdii ina kal saaraysa oo ay ka mid tahay Maalinta Xoriyad ee aynu  haykalkeedii duudsiinyana .

.

Hasa ahaate waa ka mid noqon karta maal-maha Qaranka  la xasuusto  waxanna laggu xusi karra si ka duwan sidda loo qaad qaado iminka  , Tusaale ahaan meelaha Khayriyada ah iyo iskuullada iyo Goobaha laysugu yimaado ayaa dareenkeeda iyo ka hadalkeed laggu koobbi karra amma waxa lagga dhigi karra Maalin Fasax oo Qaranka oo dhan fasaxo Xarumaha Dowlada iyo kuwa gaar ka loo leeyahay.

.

Maalinta mudan in Ummadu ay si wada jirta  ah uga soo qayb-sho oo waajib ah mid Gobolka, Degmo iyo meelaha kaleba  jooga  ba waa 26 Juun  siddo  kale  dhamaan Ciidmada Qalbka sidda iyo kuwa  kale Qarankuba  ku soo bandhigayaan heerarkooda kala duwan waa 26 Juun.

.

Hadalka  xildhibaanka iyo aragtidiisa waxa ay aheyd in Golaha uu ka tirsan yahay inuu tallabo uu kula xisaabtamaayo ka qaado Mudanaha ka tiran  iyo  odhaahyada uu dhinac u jan-jeedhiyey  wax kale oo sidda u sii weyn oo caqabad iyo,   in xadhig lagula kacay ma  aheyn arinku .  Waxa aan filaya  Qofkii Xusbiga Kulmiye iyo Ummaddiisa ku jirta ee Haykalka u ahi wax ka ogaa la yaabi-maayo  balse kuwii uu duufsaday ee aan aragtidoodu  meel fog wax  ka arag  aheyni waa la yaabayaan waanna amak-kaagayaan.

.

Waxay aynu ogayn Siilaanyo Aqoon iyo waayo-aragnimo  aad loo  bidayey maxaad ka filaneysa Muuse  oo arinkiisu yahay waa ” kudkii oo kabbo loo tolay”

.

Ficilka iyo Tallabada waxa,   ka muuqda sida  hore na u jiratay  in Jamhuuriyada Somaliland tahay meel  Xaqeeda iyo Xuquuqdeeda ba ay leedahay Beesha Dhexe Reer Isaaq.

.

Haddii aad  ka mid tahay Ummada ee dhaladka ah inaanad Xaq iyo Xaquuq u lahayn inaad ra,yigaga  caadiga aad cabirto hadii aad masuul tahay  iyo hadii aanad ahayn ba .Waa na mid aan soconayn amma u soo dhimo, Jamhuuriyada Somaliland  hore ma u dhimo hadda oo la joogo ee  was  sidan iyada ahi.

.

Si aad iyo aad ah ayaan ugga Xumahay arinka ugubka ku ah  ee dhaawac iyo dhiilada ah ,  ku Qarannimada iyo wada jirta Ummada  Jamhuuriyada Somaliland  horumarkooda iyo wada noolashaheen ee Xukumadu hadda talinanysa ku kala qaybinayso Ummada walalaha ee wada dhalatey iskuna xuquuqda iyo xaqa ah dhinaca kasto oo nolaleed iyo degaan iyo dad ahaanba.

.

Siddan ay iminka ku socoto Muuse iyo Xukumadiisu waxay isku kicinayaan ,   duufaanno mucaarad oo aan hore ugu barrarugsaneyn  bal- eegna waxay ka helaan,  kolay  ka saari maayan  Golaha wasiiradiisha  ee loo yaqaan,( Golaha Wasiirada ee soo fadh-fadhiista ) oo macnahu-yahay,   kuma jirto mid kaliya oo odhanaya  Mudane Madaxweyne arinkaasi  waxas ayuu inaggu keeni karra  ,halka haye-mooyaane waxa kale oo ay la shir-iman karaan aanu jirin marka ay waajib tahay  sixda Madaxweynaha markii uu   hindisa-yaal doonaayo inuu ku dhaqaaqayo.

abokorm@hotmail.co.uk

Abokor I Mohamud.

“Fikrada iyo Aragtida Xorta ah ee Muwaadinka , Jamhuuriyad Somaliland ”

Waa Billahi Towfiiq .

___________________

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker