MAANSADA GABAABSI

Maansada.  Gabaabsi

Keene iyo kordhiye

Keene . waar yaa kordhiye saaxiib ka waran labadii kulmiye iyo xukuumadii

Kordhiye. Saaxiib way war beeshay siyaasadoodi waxay noqotay

Ku mashquuli xadhig iyo la meerayso waayo aqoonbaan jirin

Markaa xaalkeedi waa xanaaqa oo cabudhiya.

MAANSADA  GABAABSI

Gobta maal mahoodii aya

sii gabaabsiya he

gurrac iyo maroorbaa ka jira

gebi adduun kaase

waa guud mar xaajaba dhammaan

aan la garanayne

waa wada gantaal iyo sun iyo

geeridaa wadhane

ubad gawrac gidaar lagu dunshiyo

waa is garan waaye

.

Guul galbay usii wada yihiin

Gaala camalkeede

Garawsade carabina yuhuud

Way gelbina yaane

Gurigii ilaahay ayaa

 saynle Gaar diyaye

qudusbaa go,doon kaa ahiyo

goobihii mudane

gun nimaa la wada aaminoo

gaabis kaa dhalaye

gidaarbaa nin ragi yuururaa oo jifada

ugu garaa caaye

meel kastaba gafana nuuga yaa

calanki guud yaale

.

Maskaxdooda geestii cuntada

Oo qudhaa garan ( shaqaysa )

Geesh yaroo wuxuun booba iyo

Guro ku saaxiiba

Gardarada isugu hiiliyaa

Teenna gaar u ahe

Gadhwadeen ka faashila ayaa

Guulwadayn jecele

Ma ahayn khasaarii la galay

Ee naf iyo gawsa

In gadaal ku wani ay dhaxlaan

Gaajo wada hayso

.

Gurgur shaa hayina bay ahayd

Inan ku guuraaye

Mid garbuhu daloolaan ayaan

 saarray gibishiiye

saw inay  go,doon too cidlada

haad ku gigo maaha

gubad kaa inay noqoto iyo

gegi bannaan kaasa

oon cidiba kuu soo gelayn

saw gar noqon mayso

.

Ictiraaf inuu sii galbado

Saw gar noqon mayso

Gu da,aaba inuu kaa fog yahay

Saw gar noqon mayso

Kol haddaan garaad iyo aqoon

Cdiba geynaynin

Ku galgalo inay xaajo noqon

Saw la garnmaayo

 

 

Guuleed liibaan  snm1710@ livecom.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker