Maxamuud Xaashi Oo Fashilmay Iyo Qorshe Uu Dabada Ka Riixayay Baashe Cawil Oo Meesha Ka Baxay

Kulan La Filayay in ay Habeennimadii Xalay jilbaha isku daraan Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo la sheegay in uu dabada ka riixayay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa gabi ahaanba baaqday oo aanay waxba ka suurto galin.

 

Kulankii qadada ahaa ee shalay Huteel Cali Jirde ay isugu yimaaddeen siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, Wasiirradii hore ee xukuumaddii Siilaanyo iyo wax-garad kale oo gabagabadiisii ay kulan gaar ah ku yeesheen Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi kaasi oo uu Baashe Maxamuud Xaashi kaga dalbaday in uu isu keeno Madaxweynaha cadaadisna ku saaro sidii uu Siyaasi Maxamuud Xaashi dib ugu dhigi lahaa hankiisa siyaasadeed ee Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE wakhtiganna uu Madaxweynaha ku garab galo sidii uu Madaxweynuhu ugu sii fadhiyi lahaa kursigaasi balse xogahani sheegeen in Siyaasi Maxamuud Xaashi Arrintaasi gaashaanka ku dhuftay oo diiday.

 

Ilo-wareedyadani waxa ay tibaaxeen in ugu dambayn kadib kulankaasi qadada ahaa uu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee Madaxtooyadu badheedhihiisa ugu sheegay Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar in aanay isaga iyo Madaxweynaha wax dhibaato ahi dhex oollin balse kaliya uu ku taamayo sidii uu hankiisa siyaasiga ah xisbiga uu wax ka aasaasay uga dhex tartami lahaa, Madaxweynuhuna u fulin lahaa ballan qaadyadii iyo heshiisyadii u dhaxeeyey Xisbiga oo ahaa in sidii Axmed Siilaanyo uu Muuse Biixi kursiga banneeyo taasina uu ku adag yahay oo aanu cidna uga tanaasulayn.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa sidaasi meesha kaga baxay hadal hayn badan oo ka dhalatay qorshaha Baashe Cawil Xaaji Cumar shalay ula tagay Siyaasi Maxamuud Xaashi oo lagu sheegay in ay ahayd sidii Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada loogu qancin lahaa in aanu wakhtigan xisbiga dhexdiisa ka tartamin si wada jir ahna Madaxweynaha loogu cimaamado sii haynta xilka kursiga Guddoomiyenimo.

 

Dhinaca kale Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in kulankii qadada ahaa ee shalay uu soo abaabulay Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil ay xukuumaddu ka war qabtay qabanqaabadiisa, halka wararka qaar kalena sheegayaan in aanay taasi jirin ee uu ahaa kulan ku koobnaa Baashe Cawil Xaaji Cumar oo sheegay in qadadan ay u soo wakiisheen qoyska Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo isaga oo la sheegay in uu doonayo in uu isku muujiyo tallaabadaasi halganna ugu jiro sidii uu door ugu yeelan lahaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dhexdeeda iyo waliba xisbiga oo uu Mustaqbal dheeraad ah ka rabo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker