Shacabka Hargeysa Oo Cabasho Ka Muujiyey Gaadiidka Iskaragooyinka Ee Ciidda Ka Gura Dooxa Hargeysa

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa ka hadlay cabasho ka soo yeedhay qaar ka mid ah dadweynaha ku nool Caasimadda Hargeysa ee u dhaw dooxa, kuwaas oo  cabasho ka muujiyey dirawallada wada gaadiidka Iskaragooyinka.

 

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, oo  wax laga  weydiiyey arintan ayaa tilmaamay inay hore u xidheen dad watay iskarogooyin, haddana ay arintan wax ka qabanayaan, waxaanu yidhi “Cabashadan wax baanu Dawlad ahaan ka qaban doonaa, horena waxaanu xidhnay Iskaroogooyin ciid ka gurayey Dooxa, marar badana waanu u dignay, haddana waanu u digaynaa, oo waxaanu leenahay raalli kama nihin in ciid laga qaado meelaha dooxa ee aanu uga digaynay iskaroogooyinka iyo cid kastaba, waxaynu u baahan nahay inaynu dadkeena badbaadino, balse uma baahnin in dadka daadka loo baneeya, cid dambe aanu ku qabanana sharciga ayaanu la tiigsanaynaa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker