Boqortooyada Sacuudiga oo Codsi aan looga fileyn u diray Israa’iil

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan ayaa telefoon u diray Benjamin Netanyahu oo xilligaas ra’iisal wasaare ka ahaa Israa’iil, si uu ugu fududeeyo arrin ku taagnayd, sida uu shaaciyay wargeyska The New York Times ee ka soo baxa Maraykanka.

Sacuudiga ayaa sanadkii 2019 laga joojiyay isticmaalka barnaamijka wax basaasa ee ay samayso shirkadda NSO Group ee Israa’iil laga leeyahay ee loo yaqaan Pegasus.

Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Pegasus ay dowladaha caalamka intooda badan u isticmaalaan dabagalka shakhsiyaadka ay doonayaan inay ogaadaan xogtooda.

Kadib dilkii weriye Jamal Khashoggi, shirkadda NSO Group ayaa la sheegay inay diidday cusbooneysiinta ruqsadda isticmaalka barnaamijka Pegasus ee Sacuudi Carabiya, sida uu ku warramay wargeyska The New York Times.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kaaliyayaasha dhaxal sugaha ay la hadleen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Israa’iil iyo sirdoonka Mossad, balse ay ku guuldaraysteen inay soo celiyaan ruqsadda.

Maxamed bin Salmaan ayaa markaa kadib si toos ah telefoonka ugula hadlay ra’iisal wasaarihii Israa’iil ee xilligaas, Benjamin Netanyahu, waxaana uu ka codsaday inuu farageliyo xaaladda.

Wargeyska ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha uu markiiba amray in ruqsadda Pegasus loo cusbooneysiiyo Sacuudiga, sida laga soo xigtay qof xog ogaal u ah arrinkaas.

Wadahadalkaas dhexmaray bin Salman iyo Netanyahu ayuu wargeysku sheegay inuu dhacay ka hor heshiisyadii dhowrka ahaa ee ay dalalka Carabta la galeen Israa’iil, isla markaan loogu magac daray Abraham Accords.

Qeyb muhiim ah oo kamid ahayd heshiiska ay isla gaareen Netanyahu iyo bin Salman ayaa la sheegay inay ahayd in duulimaadyada rakaabka ah ee Israa’iil ay dul mari karaan Sacuudiga.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Sacuudiga uu sanadkii 2017 barnaamijka Pegasus ku iibsaday lacag dhan 55 milyan oo dollar, si toos ahna uu u hoos tagayay xafiiska dhaxal suge Maxamed bin Salman.

Sarkaal Israa’iili ah ayaa wargeyska u sheegay in shakhsiyaad kooban oo ka amar qaata Netanyahu ay ogaayeen heshiiska Sacuudiga looga iibiyay barnaamijka, “arrintaas oo ahayd sir si weyn loo ilaaliyay.”

“Inuu farxad geliyo Sacuudiga ayaa wax weyn u ahayd Netanyahu, oo xiriir hoose la lahaa dalal dhowr ah oo Carbeed, isla markaana doonayay in heshiis dhexmara dowladdiisa iyo dalalkaas uu ka dhigi doono halyey aan la hilmaanin,” ayaa lagu sheegay warbixinta The New York Times.

Xafiiska Netanyahu oo ka falceliyay warbixinta ayaa ku tilmaamay mid been ah.

Dalalka Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Morocco iyo Sudan ayaa heshiis taariikhi ah la galay Israa’iil, waxaana ay la yeesheen xiriir diblomaasi.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu gacan ka geystay heshiiska Abraham Accords.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker