Nigeria oo xaqiijisay in lasii Daayey 100 Qof Oo la heystay 42 Maalmood

Cidamada  Boliiska ee fadhigoodu yahay gobolka Samfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria ayaa sheegay in wadahadallo waanwaan ah lagu sii daayey 100 –qof oo 8-deedii bishii Juun ee la soo dhaafay ay kooxo burcad ah ka afduubteen gobolkaasi.

 

Mohammed Shehu, afhayeen u hadlay  Boliiska Zamfara ayaa hadal uu baahiyay ku sheegay in aanay  jirin wax madaxfurasho lacageed ah oo lagu bixiyay dadkaasi oo u badnaa  haween iyo caruur.

 

Dadka la sii daayey oo u badnaa haween iyo caruur,ayaa laga afduubtay tuulada Manawa 8-dii Juun ee bishii la soo dhaafay .

 

Ilo xog ogaal ah ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in burcadu ogolaatay in la siidaayo dadka tuulada la afduubtay ka dib markii booliska iyo maamulka gobolka “ay u xaqiijiyeen in aan wax talaabo ah laga qaadi doonin kooxdaasi burcadka ah.”

 

Tan iyo bishii Diseembar sanadkii 2020-kii in ka badan 1,000 qof ayaa la afduubtay,Intooda badanna markii dambe waa lasii daayay sida la sheegay,kadib markii madax furasho la bixiyay, halka qaar qaar ladilay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker