Booliska Jarmalka Oo War Kasoo Saaray Nin Soomaali Ah Oo Hore Dad Ugu Dilay Dalkaas

Boliska waddanka Jarmalka ayaa shaaciyay in nin Soomaaali ah oo bishii June dhowrka qof ku dilay magaaladda WUERZBURG haatan loo wareejiyey Isbitaalka lagu daaweeeyo Cuddurka Dhimirka.

Hadal ka soo baxay Boliska BAVARIA iyo Baarayaasha ayaa lagu muujiyey in aanuu ninkaasi wax xidhiidh ah la lahayn Kooxda Daacish ama Ururo kale, isla markaana aanay  jirin cid ku wehlisay weerarkii Tooreyda ee uu ku dilay 3 Haween, kuna dhaawacay 5 kale.

Boliska waxaa kaloo baadheen Telefoonkii uu lahaa Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay, iyagoo ka waayey xidhiidh uu la sameeyey Shaqsiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ama kooxo kale.

 

Ninka Soomaaliga ee weerarka geystay oo 25 jir ah waxa horey looga daaweeyey Xanuunka Dhimirka, sida ay xaqiijiyeen Baadhayaasha iyo Dhakhaatiirta Jarmalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker