Maxkamad Ku Taal Yurub Oo Xukuntay In Shaqada Laga Eryi Karo Hablaha Xidhan Xijaabka

Maxkamadda Caddaaladda ee Yurub (CJEU) ee fadhigeedu yahay Luxembourg ayaa todobaadkan  xukuntay in shirkadaha ka dhisan dalalka ururka Midowga Yurub ay ka mamnuuci karaan shaqaalaha inay xidhaan xijaab, haddii ay doonaan in la muujiyo in dadka shaqaalaha ah ay wada siman yihiin.

 

Kiiskan waxaa maxkamadda geeyay labo haween ah oo ku nool dalka Jarmalka kuwaa oo laga joojiyay shaqooyinkoodii kadib markii ay billaabeen xidhashada xijaabka, oo Muslimiinta ay u arkaan in uu yahay qeyb ka mid ah diintooda.

In ka badan shan milyan oo Muslimiin ah ayaa ku nool Jarmalka, taas oo ka dhigaysa in yihiin kuwa ugu badan dadka laga tirada badan yahay ee diimaha kale haysta.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker