Madaxweynaha Mali Oo Maanta Ka Badbaaday isku day dil

Madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Mali Colonel Assimi Goita ayaa “badqaba oo ammaan ah” sida uu sheeegay xafiiskiisa kadib isku dil day dil oo maanta ay fuliyeen laba nin oo mid uu mindi watay, xilli uu salaad ku dukanayey masjid ku yaalla magaalada Bamako.

Weriye ka tirsan AFP oo goobjoog u ahaa weerarka ayaa sheegay in labada nin ay usoo dhaqaaqeen dhanka Goita, kaasi oo durba ay la ordeen ciidamada amniga.

Weriyaha ayaa sheegay inuu dhiig ku arkay goobta inkasta oo weli aysan caddeyn qofka la dhaawacay.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Goita “uu amni yahay oo uu badqabo, kadib wax ay ugu yeereen isku day khaarijin.

Goita ayaa la geeyey xerada militariga ee Kati oo ku taalla banaanka caasimadda, “halkaasi oo amniga la xoojiyey,” sida lagu sheegay qoraalka.

Bayaanka madaxtooyada ayaa intaas ku daray, in ciidamada ammaanka ay ka awood badiyeen mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, islamarkaana uu hadda baaritaan socdo.

Weerarkan ayaa dhacay kadib salaaddii Ciidul Adxa ee masjidka weyn ee magaalada Bamako.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa aaday dhanka madaxweynaha xilli uu Imaamka hagayey dad joogay banaanka Masjidka oo gowracayey xoolaha udxiyada.

Wasiirka Maaliyadda Mali Mamadou Kone, oo Masjidka ku sugnaa, ayaa AFP u sheegay in nin uu “isku dayey inuu madaxweynaha ku dilo mindi,” balse la qabtay.

Agaasimaha Masjidka Latus Toure ayaa sheegay in ninka mindida watay uu soo weeraray madaxweynaha balse uu dhaawacay qof kale.

Goor dambe, sarkaal amni oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in labada qof la xiray oo ay xabsi ku jiraan.

Goita ayaa madaxweyne loo dhaariyey bishii June kadib markii uu hoggaamiyey afgambigii labaad ee dalka ka dhaca wax ka yar laba sano gudahood.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker