K A N E E C A D A W/Q. Dr-ibraahin Dhuxul.

Kaneecadu waxay ka mid tahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda bilaa lafdhabarleyda ah (Orthropoda) gaar ahaan bahweynta Cayayaanka ee leh lixda lugood (Insect). Waxay ku jirtaa qoyska hoose ee cayayaanka, kuwaas oo leh laba baal iyo af dhuuban oo ay wax ku jaqi karaan (Diptera family). Bahda cilmiga Saynisku waxay ugu yeedhaan (Culicidae), Asal ahaan waxay kasoo jeedaa qaaradda Aasiya gaar ahaan koonfurta aasiya, inta la og yahay adduunka waxaa laga helaa inka badan 3000 kun oo nooc, oo kaneeco ah.
Luuqada ingiriisida waxaa loog yeedhaa (Mosquito), Carabidana (البعوض). Afka Soomaaligana Kaneeco oo ah magac dheddig. Cimriga kaneecadu waxa uu gaadhaa 2 bilood, dherarkeeduna 0.4 ilaa 0.15 inji, halka uu culayskeeduna gaadho 5 mili mitir. Waxay leedahay 47 ilkood iyo 6 hiddo-side. Kaneecadu markii keli ah waxay dhashaa 100 ilaa 200 beed ah, kuwaas oo qiyaas ahaan ku dillaaca 8 ilaa 10 maalmood, kuna duula 2 ilaa 3 cisho. Kaneecada teeda dheddig waxay quudataa dhiigga dadka (Carnivore), halka ta labna ay quudato ubaxa dhirta (Herbivore), saacadii waxay jari kartaa 1 ilaa 1.5 mayl.
Waxay kamid tahay xayawaannada leh dhiigga qabow (Cold blooded), jidhkeeda waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood madax, uurku jir iyo qaar danbe. Kaneecadu waxay ka mid tahay cayayaannada uu alle Qur’aanka ku sheegay, waxay leedahay mucjisooyin badan oo wakhtiyadan danbe la ogaaday. Waxaa ka mid ah in ay madawga wax ka dhex arki karto iyo inay uriso qofka ay rabto in ay qaniinto. Kaneecadu waxay noocyada dhiigaga dadka ugu jeceshahay O-da, inkastoo ay iyagana jeceshahay dhiigagga B-da, iyo AB-da.
Qaniinyada kaneecada waxaa laga qaadaa xanuuno badan sida xanuunka qandhada iyo duumada, siday sheegtay hay’adda caafimaadka adduunku kaneecadu waxay kaalinta hore kaga jirtaa xayawaannada adduunka ugu saamaynta badan xagga dhimashada dadka. Kaneecadu waxay beedkeeda dhigataa meelaha ay biyuhu fadhiistaan, waxayna dadkeenu ku shubaan gaas ama naafato si ay ugxanta halkaas ugu dilaan. Ugu danbayntii kaneecada lama dabar go’ayn karo balse waa laga foojignaan karaa ama la yarayn karaa.
Mayeedhaan Magazine.
dribraahimm@gmail.com.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker