” Ardayda dirayska cusub suuqa ka waydaa way soo gashan karaan dirayskii hore “

Madaxda Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL iyo maamulayaadha dugsiyada gaarka loo leeyahay ee magaalada hargaysa oo kula wada tashi ah maanta wada yeeshay.

Ujeedada kullankan ayaa ahayd sidii loogu diyaargaroobi lahaa isla markaana looga wada shaqayn lahaa furitaanka dugsiyda dalka oo todobaadkan soo socda furmaya iyo siddii loo fullin lahaa awaamiirta wasaaradda waxbarashada ee ku wajahan arrimaha dirayska cusub iyo sidii loo hirgalin lahaa nuxurka qodabadii ay soo saartay xukuumada somaliland iyo laamaha kala duwan ee wada tashiga ay la samaysay WW&S kuwasi oo ay kamid ahaayeen :-

KOW, diraysku waa kii ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashaddu.

Waxaana shuruud ah inuu diraysku buuxiyo labadda shuruudood oo kala ah

1. Asturnaanta Diinta Islaamku ku waajibisey hablaha iyo wiilashaba iyo

2. Midabadda wasaaradu soo rogtay.

HASE YEESHEE, TAYADDA DHARKA IYO QAABKA LOO TOLAYO ARDAYDA AYAA DOORANAYSA.

Haddaba, ardayda dirayskii cusbaa soo iibsaday way soo gashanayaan oo waa dirayska rasmiga ah.

Balse ardayda aan weli soo iibsan dirayska cusub waxaa akhtiyaar loo siiyay inay soo xidhan karaan dirayskii hore sababaha soo socda awgood,

1. In ganacsatadeena dirayskii hore kayd u yaalo la siiyo fursad ay ku iibin karaan

2. Ardayga doonaya inuu dirayskii uu sanadkii hore iibsaday sanadkana gashado

3. Ardayga dirayska cusub suuqa ka waayaa inui soo gashado dirayskii hore.

Balse dugsiyadda waxaa ka reeban inay ardayda ku qasbaan dirayskii hore, iyagoo dirayska cusub iibsaday ama doorbidayaan dirayska cusub. Waayo, ikhtiyaarka waxaa sanadkan la siiyay ardayga. Sanadka dambena waxaa la wada xidhanayaa dirayska cusub, insha Allah.

LABA, sanad dugsiyeedkan waxaa waajib ah in ardaygu helo 1M labajibaaran oo fasalka ah (45 arday fasalka cabirkiisu yahay 48M labajibsaran).

SADDEX, ardaydu waxay xor u yihiin inay dirayska, agabka waxbarashadda iyo cuntadda ay ka iibsadaan meherradda ay doonaan. Sidaa awgeed, laguma waajibin karo, lagumana dhiirigelin karo meherad gaar ah iyo dugsi gaar ah midnaba

AFFAR, ilaa Xafiiska Imtixaanaadku soo saaro natiijadda imtixaanka shahaadiga ah, dugsiyadda sare lama qori karo arday form 1

SHAN, wasaaraddu waxay ardayda iyo guud ahaan bahda waxbarashadda ugu hambalyaynaysaa sanad dugsiyeedka cusub

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker