Maxaa ka jira inay Manchester City dooneyso saxiixa Antoine Griezmann?

Waxaa la filayaa in suuqa xagaagan uu mid mashquul badan u noqdo kooxda Manchester City iyadoo lala xiriirinayo qaar ka mid ah xiddigaha loogu doonista badan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Xiddigaha kala ah Jack Grealish iyo Harry Kane ayaa ah bartilmaameedyada koowaad ee Man City suuqa xagaagan, waxaase majaladda kasoo baxda Spain ee Fichajes ay sheegeysaa inay sidoo kale qorshaha ku darsatay saxiixa weeraryahanka naadiga Barcelona ee Antoine Griezmann.

Majaldda ayaa intaas ku dartay inuu Macallin Pep Guardiola doonayo saxiixa laacibkan kaasoo haatan ah bartilmaameedka labaad ee Citizens suuqa xagaagan marka laga hadlayo xiddig weerarka ka ciyaara maadaama ahmiyadda koowaad ay siineyso saxiixa weeraryahanka Tottenham Hotspur ee Kane.

Si kastaba ha ahaatee, Griezmann ayaa ka mid ah xiddigaha loo badinayo inay iska fasaxdo Barca suuqa xagaagan sidaas darteed, Manchester City ayaa qiimo hoose ku heli karta saxiixa 30-jirka Faransiiska ah.

Gool FM.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker